WAJAALE NEWS

Wasiirka Caafimaadka Dalka Uk Oo Farxad La Ilmeeyay, Xili Uu Sitoos Ah Udaawanayay Haween 90jir Oo Lagu Talaalay Dawada Ka Hortaga Covid19.

UK(W,N)-Wasiirka Caafimaadka UK  Matt Hancock oo si toos ah u daawanayay muwaadin sagaashan jir oo saaka lagu turqayay Irbada Talaalka cusub ee Pfizer ee ka hortaga xanuunka Covid-19 ayaa farxad la ilmeeyay isaga oo si toos ah ugu gudo jiray Waraysi uu bixinay.

Dabcan Wasiirku Aqoon umuu lahayn Islaanta iyo Odayga Talaalka lagu bilaabay, Aabihii iyo Hooyadii, Sodogii iyo Sodohdii midna may ahayn, qaraabo Tol iyo Xidid midna may ahayn, balse waxay ahaayeen Muwaadiniinta uu xilka u hayo oo masuuliyadooda Caafimaad ay dushiisa saaran tahay, waxaanu la farxad-ooyay in muwaadiniintiisa uu ka badbaadiyay xanuunkaas oo ugu yaraan 95% ay ka badbaadayaan inuu ku dhaco Covid-19.

Talaalkan cusub looma eegin yaa magac leh oo la hor mariyaa, yaa madax ah, yaa taajir ah, balse waxaa loo eegay habka cadaalada ah ee sawirka hoose ka muuqda ee muhiimada loo kala siiyay sida loogu kala baahida badan yahay.

Boqorada Dalkan Queen Elizabeth II, iyo Qoyskeeda, Raiisal wasaaraha Boris Johnson

Iyo qoyskiisa oo dhamaantood aad ugu baahan Talaalkan ayaan hadana la siin loona ogolaan inay dadka ka hor maraan, waxaana ay safka u qabsanayaan si la mid ah muwaadiniinta kale, inkasta oo da’da Boqoradu ay 94 jir tahay oo ay safka xaga hore kaga jirto oo  maalmo dhow ay  kaltankeeda  gaadhi doono.

Waxa muhiim ah in qofka Ummad masuul looga dhigaa aanuu ka fikirin oo kaliya danta ama baahida qoyskiisa, qabiilkiisa ama asxaabtiisa oo kaliya, balse ay waajib ku tahay in ummada oo dhan uu masuul u yahay, muwaadiniintuna ay u siman yihiin oo uu cadaalad ku dhaqo.

Ugu danbayn dhibaato iyo murugo aad u badan oo uu xanuunkan Covid ku uu ku reebay dunida ayaa waxa imika soo bidhaamaysa iftiinkii rejada ee xanuunkaas lagaga gudbayo.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version