WAJAALE NEWS

Tababar Gabiley Uga Socday Degmooyinka Ku Cusub Mashruuca Dawladaha Hoose Oo Lasoo Gabo Gabeeyay.

GABILEY(W,N)Tababar Magaalada Gabiley Uga Mudo sedex Maalmood ah uga socday degmooyinka Geerigaabo,Laascanood,Taleex,Caynabo Iyo sallaxley ayaa Maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalo madaxda gobolka gabiley ee gabiley,

Tababarkan oo ujeedadiisu ahayd sidii maamulka iyo xoghayayaasha degmooyinka loogu tababari lahaa mashruuca dawladaha hoose ee maamul daadajinta oo ay ku cusub yihiin.

Tababarkan Oo ay  Uqabatay Dawlada Hoose ee gabiley oo Iyagu kaalinta kowaad ka gashay mashruuca JPJL ayaa waxa Markii uu Soo dhamaaday tababarku masuuliyiintani wada jir Usoo Kormeereen mashaariicda guulaystay ee laga hirgaliyay Gudaha Magaalada gabiley.

Waxaana munaasibada gunaanadka hadalo ka jeediyay xoghayaha mashruuca JPLG Eng Jiciir,xoghayaha dawlada hoose iyo xubno kale.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version