WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland oo Daah-furtay Xafiiska Isku Xidhka Isgaadhsiinta Warbaahinta Qaranka

Hargeysa (WJN)- Waxaa markii ugu horaysay laga furay Wasaarada warfaafinta dhanka iyo wacyi gelinta Somaliland xafiiska isgaadhsiinta warbaahinta qaranka oo isku xidhi doonta Saxaafada madaxabanaan iyo ta dowlada oo lagu uruurin doonaa lagana sii dayn doonaa macluumaaadka Dowlada iyo diyaarinta sidii loola socon lahaa Warbaahinta dalka ka hawl gasha.

Munaasibadan xadhiga lagaga jarayay xafiiskan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo, Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Sacad Cali Shire, Wasiir ku-xigeenkii hore wasaarada Warfaafinta Shugri Xariir Ismaaciil iyo marti sharaf kale.

Waxaa ugu horayn xafiiskan cusub iyo waxa uu qaban doono ka warbixiyay Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland.

 

Exit mobile version