|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland oo Daah-furtay Xafiiska Isku Xidhka Isgaadhsiinta Warbaahinta Qaranka
October 30, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Waxaa markii ugu horaysay laga furay Wasaarada warfaafinta dhanka iyo wacyi gelinta Somaliland xafiiska isgaadhsiinta warbaahinta qaranka oo isku xidhi doonta Saxaafada madaxabanaan iyo ta dowlada oo lagu uruurin doonaa lagana sii dayn doonaa macluumaaadka Dowlada iyo diyaarinta sidii loola socon lahaa Warbaahinta dalka ka hawl gasha. Munaasibadan xadhiga lagaga jarayay xafiiskan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo, Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Sacad Cali Shire, Wasiir ku-xigeenkii hore wasaarada Warfaafinta Shugri Xariir Ismaaciil iyo marti sharaf kale. Waxaa ugu horayn xafiiskan cusub iyo waxa uu qaban doono ka warbixiyay Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland.
Related posts:Daawo:Wasiirka Maaliyada Marwo SamSam Cabdi Aaden Oo Xadhiga Ka Jartay Dhisme Cusub Oo Wasaarada Maa... Muj-Cali Guray Oo Dhaliilihii Ugu Cuslaa Usoo Jeediyay Wasiir Cali Waran-Cadde Madaxwayne Siilaanyo... Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo ka Waramay Siduu U Dhacay Dagaalkii Gacan Ka Hadalk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|