WAJAALE NEWS

“Reer Jabuuti Nin Sii Dooran Doorashadiisa, Maxaa Uga Dan Ah”Siyaasi Cali Guray.

JABUUTI: NIN SII DOORAN DOORASHADIISA…….

 

Kelitalisnimadu way noocyo badan tahay. Ta ugu casrisan waxa la yidhaa Dumuqraadiyadda Kelitalinta (democracy of dictatorship). Doorashadu mar kasta si nabadgelyo ah way u dhacdaa laakiin tartan xalaal ahi ma jiro waayo marka madaxwaynaha xilka hayaa ku dhawaaqo in uu taagan yahay doorshadu way dhamaatay ayay ka dhigan tahay guushina waxay raacday ninkii gaarka u lahaa ee aan cid ku qabsan kartaa jirin waana Madaxwaynaha xilka haya

Doorashada Jabuuti waxan idhaa waa laba kooxood oo ciyaar final ahi ka dhexayso. Sida caadiga ah koobka loo tartamayo ciyaaraha final-ka waxa la soo dhigaa garoonka oo labada kooxood mid waliba il-qoodha ay ka sii eegataa inta ay ciyaartu socoto oo dhan. Ka warran hadii labada kooxood midi aniga ayaa dhex u haynaya kooxda kalena ku tidhaahdo “waar horta ciyaara oo badiya dee markaasaa koobka heli doontaan hadii badisaane kkkkkkkk. !!!!

Labada kooxood garo oo waa Kooxda Haramuus iyo Kooxda Belbela. Waxa yaab leh Reer Jabuuti horta nin sii dooran doorashadiisa maxaa uga dan ah waabu sii dooran yahaye may iskaba daayaan. Laakiin malaha waxay dhaamaan Muwadiniinta dalka ay jaarka yihiin ee Calatariya. Taasina waa run biyo kama dhibcaan ah.

QALINKII; Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali guray”

 

Exit mobile version