WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xarunta Qasriga Madaxtoonyada Ku Qaabiley Safiirka Dalka Turkiga Ee Somaliland Iyo Somalia

 

Hargaysa(wajaalenews):-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka turkiga u qaabilsan wadamada Somaliland & Somalia iyo weftigii uu hogaaminayey.

Hargaysa(wjn):-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka turkiga u qaabilsan wadamada Somaliland Iyo  Somalia Iyo Waliba  weftigii uu hogaaminayey.

Kulankaas oo muddo saacado ah qaatay waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici)waxaana lagaga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka walaalnimo iyo wax wada qabsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka turkiga iyo sidii ay ganacsatada Turkigu maalgashi uga samayn lahaayeen gudaha Somaliland, iyo sidilka Turkigu uga furan lahaayeen Somaliland xafiis heer safaaradeed ah.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaa ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in safiirka iyo weftiga uu hogaaminayo ay kulan is afgarad ku dhammaaday la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, isla markaana ballanqaadeen inay iskaashi kala samaynayaan Somaliland horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada , caafimaadka iyo dimuqraadiyadda.

Md. Biixi waxa uu sheegay in kulanka maanta la iskula qaatay in dib loo bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo somalia.

Safiirka dalka turkiga oo isna dhinaciisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiri doonaan kulamo dambe oo lagu sii xoonjinayo xidhiidhka ka dhexeeya labada wadan, si habboona ay somaliland ugala shaqayn doonaan dhinacyada arimaha bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha.

Safiirka iyo wafdiga dalka  turkugu waxa kale oo ay maanta xafiisyadooda kulamo kula yeesheen wasiirada Wasaaradaha Arimaha Dibbada Iyo Waxbarashada Md. Mxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan

Exit mobile version