WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada Oo Ka Hadley Dacwad Ka Dhan Ah Faysal Cali Waraabe Oo Jamaal Cali Xussen U Gudibiyey Iyo Xiliga La Gudo Galayo.

Hargeysa(W.N) Gudoomiyaha gudida diwaanglinta ururada siyaasiga ah Muddane Cabdirisaaq  Ciyaale ayaa waxaa uu  markii ugu horeysay uu ka  hadley dacwad ay garabka musharax Jamaal Cali Xussen ee xisbiga UCID u gudbiyeen gudidaasi  taas oo ka dhan ah gudoomiyaha xisbigaasi Faysal Cali Waraabe Gudimooyiha gudida diwaangalintu waxaa uu sheegay in ay dacwadaasi xafiiskooda soo gaadhay isla markaaa ay sugayeen inta la ansixinaayo sida ugu wacana ay u dhameyn doonan waxaana uu yidhi

“Dacwadaasi waa ay noo taala waxaanu sugeynay inta lana ansixinaayo si aanay hadhaw toole aanay uga imanin daba filiq waxaana ay arntaasi ka mid tahay xilka la noo igmadey insha alleh waxaanu u dhameyn doona sida ugu wanaaga badan ee qaranka looga ilaalin lahaa in aan xisbi kale bur burin” ayuu yidhi gudoomiyaha gudida diwaangalinta ururada siyaasiga ah Cabdirisaaq Ciyaale

 

 

Exit mobile version