WAJAALE NEWS

“Intii Abiye Ahmed Uu Ka Noqday Ra,iisal Wasaaraha, Somaliland Wax Muhiim U Ah Danaha Itoobiya Uma Arko..”Cali Guray.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo kamid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka faalooda arimaha Siyaasada iyo nabadgalyada geeska Africa ayaa ka hadlay sida ay isku Badashay siyaasada itoobiya ee la xidhiidha mawqifkeedii ay ka Taagnayd Somaliland iyo xidhiidhkii ay la lahayd intii uu talada Itoobiya qabtay raysalwasaare abiy axmed.

Sidoo kale siyaasi cali guray ayaa xukuumada Somaliland ku Dhaliilay sida ay uga aamusan tahay ficilada ka dhan ka ee Kazoo baxay dawlada itoobiya ee uu hogaamiyo raysal wasaare Abiy axmed oo uu ku tilmaamay mid indhaha ka qarsanayna Somaliland fulinaysana heshiish uu raysalwasaare abiy la galay maamulka farmaajo,

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo barta Uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna Udhignaa Sidan;

WAR JIRAABA CAKAARUU IMAN

“Itoobiya mawqifkeedu marna wax madmadow ahi kumay jirin intii Abye Ahmed uu ka noqday Ra,iisal Wasaaraha. Somaliland wax muhiim u ah danaha Itoobiya uma arko marka ay tahay xidhiidhka ka dhexayn jiray Somaliland iyo dalkiisa isaga xagiisa wax ka jira maaha waayo heshiiskii sadex geesoodka ahaa Somalia ayaa qayb ka ahayd Somalilandna wax isagu uu ku filan yahay qancinteeda ayuu ka soo qaaday. Xataa waa kii isku dayay in isagoo Farmaajo wada uu Hargeysa ka soo dejiyo.

Dhinaca Somaliland waynu ogayn go’aankii hore ee ogolaanshaha iyo kii dambe ee diidmada iyo siday kala ahaayeen. Mar keliya derderaada iyo ixtiraam darrada Abye kula kacayay dadka Somaliland madaxda Somaliland in hanqalkooda ay hoos uga rogtaan ha joogto eh eray kamay odhan. Bal day maanta waxa gebi ahaanba ka soo horjeedaa Itoobiya xidhiidhka cusub ee u bilawday Kenya iyo Somaliland oo aanay jirin wax ka khuseeya Itoobiya. Hadii Itoobiya maqaamkii xafiiskooda Hargeysa ay hoos u dhigtay Qunsuliyadda Kenya ay sheegtay in Hargeysa ay ka furanayso waxa ay uga xun yihiin saw maaha in ay ugu hiiliyso Farmaajo. Hadana jawaabta Somaliland saw may noqon sidii caadada u ahayd in laga muquurto oo shib laga yidhaa. Amuska Somaliland miyaan loo qaadan karin ogolaansho. Wallee wax jiraba wax baa jira war jiraana cakaaruu iman eh inta ka horaysa Somaliland asqada ay ku jirto ha iskaga jirto

 

 

 

 

Exit mobile version