WAJAALE NEWS

DAAWO;-Wasiiro Iyo Maamulka Gobolka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Degmada Geed-balaadh,Soona Kormeeray Mashaariic Ka Socota D, Allaybaday.

GABILEY(W,N)-Wafti balaadhan oo ka kooban wasiirada Biyaha,isgaadhsiinta,wasiir kuxigeenka arimaha gudaha, Agaasimaha wasaarada maalgashiga, maamulka gobolka gabiley iyo maamulka dawlada hoose ee degmada gabiley ayaa maanta xadhiga ka jaray xarunta degmada geedbalaadh oo ay hirgalisay dawlada hoose ee Degmada gabiley halkaasi oo sidiiran loogu soo dhaweeyay,

Sidoo kale Wasiirada xukuumada ka socday iyo maamulka gobolka ka degmada gabiley ayaa kormeer kusoo maray mashaariic ay degmada allaybaday ka wado dawlada hoose ee gabiley.

Dhanka kale Masuuiliyiinta xukuumada ka socday,bulshada ku dhaqan degmooyinka Allaybaday iyo geedbalaadhan oo ka hadlay xadhig ka jarka xarunta maamulka degmada geedbalaadh iyo kormeerka dhismaha wadada magaalada Allaybaday ayaa Maayarka Magaalada gabiley iyo golaha deegaanka ku bogaadiyay waxqabadka balaadhan ee ay ka hirgalisay guud ahaan degmooyinka gobolka.

Dhanka kale maayarka magaalada gabiley ayaa faah faahin ka bixiyay mashaariicda ay degmooyinka geedbalaadh iyo allaybaday ka fuliyeen iyo kuwa uqorshaysan in ka qabtaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version