WAJAALE NEWS

Midowga Afrika Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Ciidamada AMISOM Oo Qoomiyada Tigreey Kasoo Jeeda.

MUQDISHO(W,N)-Ururka Midowga Afrika ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga General Gebreegziabher Mebratu Melese oo ka soo jeeday qoomiyada Tigreega .

Dawladda Itoobiya ayaa 10 November AMISOM u qortay warqad ay ku dalbanayso in taliyahaas xilka laga qaado, waxaana warqadaas oo ay Reuters aragtay ay Itoobiya ku eedaysay sarkaalka inaanu daacad u ahayn dalkiisa.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ka dib codsiga Itoobiya, wuxuu xilkii ka qaaday general Gebreegziabher Mebratu Melese.

Saraakiil badan oo Tigray ah oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa shaqada laga fadhiisiyay mudada uu socday dagaalka dawladda Itoobiya iyo maamulka Tigray.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

Exit mobile version