HARGAYSA(W,N)-Maalintii shalay ayay ahayd markii garoonka hargaysa stadium ciyaar adagi ku dhex martay xulalka gobolada Badhan iyo Hawd doo wakhtigii loogu talo galay isku marin waayay
Hadaba Wasaarada ciyaaraha Somaliland oo iyagu ku fashilantay Hagida ciyaaraha iyo wakhtiga lagu soo dhamayn Karo ayaa kadib markii gorsooraha ciyaartu ku daray wakhtigii dheeriga sida sharci fifa dhigayo xili ay cad ceedu dhacayso ayaa keentay in goroonku madow noqday taasi oo fadeexad ka raacday wasaarada qaranka somaliland usoo jiiday samcad xumo iyo in ay tahli kari waydo in garoonka caasimada ay laydh ku xidho
Hadaba wakhtigii lagu jiray madow ayaa dhaawac loo gaystay laba kamid ah ciyaartoygii xulka gobolka badhan uciyaarayay.
Maamulka xulka gobolka badhan iyo isuduwaha ciyaaraha ee ayaa faah faahin ka bixiyay laba kamid ah ciyaartoyga oo lagu dhaawacay garoonka markii uu ku dhacay dhagax la tuurayay.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;