WAJAALE NEWS

Ex Wasiir Shucayb Maxamed Muuse Oo Deeq Buugaag Ah Gaadhsiiyay Dugsiyada Waxbarasho Ee Magaalada Wajaale.

TOG WAJAALE(W,N)-Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Warshadaha jamhuuriyada Somaliland ee xukuumadii Axmed Siilaanyo Shucayb Maxamed Muuse ayaa Agab buugaag ah gaadhsiiyay ardayda dugsiyada Waxbarasho ee magaalo ganacsiyeedka tog wajaale kuwaasi oo Uu ku wareejiyay maamulka dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee Magaalada Wajaale.

Buugaagtan uu siyaasi shucayb Maxamed Muuse gaadhsiiyay Dugsiyada waxbarasho ee magaalada wajaale Ayaa  ahaa buuga Uu qoray macalin farxaan Cabdilaahi Muxumed ee “HIIL BARE” kuwaasi oo xanbaarsan macluumaad umuhiim u ah ardayda ,Macalinta iyo Waalidiinta.

Waxaana buugaag taasi ka gudoomay gudoomiyaha Waxbarashada ee degmada Tog Wajaale iyadoo ay goob joog Ahaayeen Maamulada Iskuulada Magaaladu.

Maamulka waxbarasho ee degmada wajaale iyo maamulayaasha dusgiyada magaalada wajaale ayaa siyaasi shucayb maxamed muuse uga mahad celiyay deegda buugaagta ah ee uu soo gaadhsiiyay.

 

Exit mobile version