WAJAALE NEWS

Dowladda Norway Oo ka Qaylisay Nin Somalilander/Norwegian Ah Oo Dil Lagu Xukumay +Xukunka Qisaas Ah Oo Lafilayo In Somaliland Laga fuliyo 48 Saacadood Gudahood!

HARGAYSA(W.N)-Dawladda Norway Oo ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub, Ayaa Si xoogan uga qaylisay xukun dil ah oo Lagu riday nin Da’diisu Tahay 54 sanno jir oo ah muwaadin reer Somaliland ah, sidoo Kalena haysta dhalashada dalka Norway, Kadib markii lagu helay Dambi ah inuu gudaha Somaliland ku Dilay nin dhallinyaro ah Dhawr bilood ka hor.

Qareennada difaacaya ninkan dilka loo haysto oo la hadlay Saxaafadda dalka Norway toddobaadkan, ayaa sheegay in Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay soo saartay xukunka Dilka Ah ee lagu riday ninkan oo ku xidhan Jeelka wayn ee Hargeysa, Iyadoo ay Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Warbaahinta u Sheegtay in aanay dowlad ahaan aqbali karin in xukun dil ah Lagu fuliyo muwaadin haysta dhalashada dalkooda, waxayna Xidhiidho arrintan khusaysa la samaysay masuuliyiinta Dowladda Somaliland, kana codsatay in la joojiyo fulinta Xukunkaas dilka ah.

Sidoo kale, qareennada u doodaya ninkan ku eedaysan dambiga Ah gacan-ku-dhiiglenimada, ayaa tilmaamay inay la xidhiidheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), kaasoo u xaqiijiyey in xukunka lagu Riday ninkan aannu ahayn mid kama-dambays ah, fulinta Dilkiisuna aanay weli u bislaan si sharci ah.

Geesta kale, xogo lagu kalsoon yahay, ayaa xaqiijiyey in Jeelka Weyn ee Hargeysa maanta (Arbaca, 25 November 2020) laga Saaray maxaabiis tiradoodu dhan tahay ilaa afar Gacan-ku-Dhiigle, kuwaasoo la filayo in xukun dil ah lagu Fuliyo Khamiista Berri ama toddobaadkan gudihiisa, iyadoo Xoguhu iftiimiyeen in Madaxweyne Muuse Biixi uu saxeexay Fulinta in la qisaaso Maxaabiis hore loogu xukumay dil, iyadoo xogtu caddaysay in Maxaabiista jeelka weyn laga saaray ee la filayo in la dilo aannu Ku jirin ninka maxbuuska ah ee ay difaacayso dowladda Norway, maadaama aanu xukunkiisu weli si buuxda uga soo Afjarmin dhinaca Hay’adaha garsoorka Somaliland.

HALKAN AKHRI; WASIIRKA DALKA NORWAY KAGA HADLAY DILKA LAGU FULINAYO NINKAASI;

https://norwaytoday.info/news/minister-the-execution-of-a-norwegian-citizen-in-somaliland-is-unacceptable/?fbclid=IwAR3mEQtKUmH0jIRrLVAaUaXx1PyxfBQQuYjXVbSuWmjWEDM3YN-kf03vBJ4

Exit mobile version