WAJAALE NEWS

Xogo Kooban Oo Ku Saabsan Taariikhda Xisbiga Kulmiye!

Xisbiga  KULMIYE Ee Gacanta Ku haya talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu jiraa ama ay da’diisu tahay 18 sanno iyo shan bilood, iyadoo tirsiga taariikhdiisa laga soo Bilaabayo maalintii sida rasmiga ah loogu dhawaaqay KULMIYE Oo Ahayd maalin Khamiis ah oo taariikhdu ahayd 23 May 2002  Iyadoo ay maalintaas si wada-jir ah ugu dhawaaqeen Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), Md. Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo Daa’uud Maxamed geelle (Alle ha u naxariisto marxuum Fagadhe iyo Daa’uud Maxamed Geelle).

Shirweynihii ugu horeeyey ee KULMIYE waxa uu qabsoomay maalin Axad ah oo bishu tahay 11 August 2002, waxaannu socday muddo saddex maalmood ah, waxaanna shirweynahaas si rasmi ah loogu doortay xubnaha hoggaanka xisbiga KULMIYE oo kala ahaa; Axmed Silaanyo oo loo doortay guddoomiyaha xisbiga, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad oo loo doortay Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), Guddoomiye-ku-xigeenka 2aadna waxa loo doortay Maxamed Xaaji Hadliye, halka Xoghayaha guud ee KULMIYE loo doortay Daa’uud Maxamed Geelle, waxa kaloo lagu doortay xubnaha Golaha Dhexe ee KULMIYE, waxaana lagu ansixiyey xeerka xisbiga.

KULMIYE waxa uu ka mid ahaa Ururradii siyaasadda ee ka qaybgalay doorashadii Golayaasha Degaannada Somaliland oo qabsoontay sannadkii 2002, isagoo ku guulaystay inuu ka mid  noqdo saddexda xisbi qaran ee doorashadaas ku soo baxay oo kala ahaa; UDUB, KULMIYE iyo UCID, halka sidoo kale uu ka qaybgalay doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday sannadkii 2003, iyadoo uu doorashadaasna ay tiro codad ah oo aad u yar ku guulaysteen murrashaxiintii xisbiga UDUB oo ahaa Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, kadibna waxa uu KULMIYE noqday mucaarid adag oo dhinac walba ka gilgilay Xukuumaddii UDUB.

Shirweynihii labaad ee KULMIYE waxa uu qabsoomay sannadkii 2008, iyadoo uu olole adag kadib KULMIYE ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay bishii June ee sannadkii 2010-kii, waxaana codadka ugu badan helay murrashaxiintii KULMIYE ee ahaa Axmed Silaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici oo noqday Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, waxaannu KULMIYE haddana mar kale ka mid noqday saddexda xisbi qaran ee ka soo baxay doorashadii Golayaasha degaanka ee la qabtay sannadkii 2012 oo kala ahaa KULMIYE, UCID iyo WADDANI, iyadoo uu shirweynihii 3aad qabsaday bishii November ee sannadkii 2015, iyadoo shirkaasna lagu doortay Guddoomiyaha labaad ee soo mara KULMIYE oo noqday Md. Muuse Biixi Cabdi, halka sidoo kale lagu doortay afar Guddoomiye-ku-xigeen.

KULMIYE waxa uu mar labaad ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 13 November 2017, iyadoo Madaxweyne uu noqdoy Md. Muuse Biixi Cabdi, halka Ku-xigeenkiisuna noqday Cabdiraxmaan Saylici.

Axadda berri oo ay taariikhdu tahay 4 October 2020, waxa Caasimadda Hargeysa ka furmaya shirweynaha 4aad ee KULMIYE, kaasoo ay hadda sii calaamadsan yihiin xubnaha hoggaanka sare ee lagu dooran doono, iyadoo uu xisbiga KULMIYE noqonayo xisbiga qudha ee ilaa hadda qabsaday afar shirweyne muddo 18 sanno ah, iyadoo xeerka xisbiyadu waajibinayo in xisbi walba uu shirweyne ku qabsado muddo shan sanno ah.

Xogtan waxa aan ka soo xigtay kaydka wargeyska Jamhuuriya (aarkiifiyada Jamhuuriya).

SAXAFI MAXAMED CIRRO

HARGEISA SOMALILAND

Exit mobile version