WAJAALE NEWS

Maamulka & Shacabka Magaalada Gabiley Oo Sida Wada Jir Ah Uhirgaliyay Dhir Beeris Lagu Samaynayo Jidadka Iyo Goobaha Taariikhiga Ah.

“Halkan Waxaa Ka Socda Olole Dhir Beeris ah, Oo Ay Bilowday Dawlada Hoose, Si  Kor Loogu Qaado Bilicda Magaalada”Maayarka Gabiley.

“Waxaa Socda Ololaha Lagu Dhirayo Wadada Hargaysa- Kalabaydh, Oo Uu Bilaabay Alle Ha Unaxariistee Xasan Xaaji”Maayar Maxamed Amiin.

GABILEY(W,N)-Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Iyo Shacabka Ku Dhaqan Magaalo Madaxda gobolka gabiley ee Gabiley ayaa sida wada jira gudaha magaalada uga hirgaliyay  Olole Loogu Magac Daray “Muwaadin Geed Beer” oo dhir Beeris loogu samaynayo jidadka hawlbawlaha ah ee magaalada  iyo goobaha Taariikhiga ah, kaasi oo kor loogu qaadayo Bilicda magaalada madaama maamulka dawlada hoose ee Gabiley ku Guulaysteen in xoolihii lagu dhaqan jiray gudaha Magaalada laga saaro.

Sidoo kale Waxaa Ololaha Dhir Beerista ee magaalada gabiley laga hirgaliyay ka qaybqaatay Ardayda Waxka barata jaamacada Tima Cade University.

Waxaana Muhiimada ay bilicda magaalada uleedahay dhir Beeristu ka Hadlay Qaarkamid shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley oo iyagu soo dhaweeyay ololahan dhirta lagaga Beerayo hareeraha jidadka magaalada iyo goobaha taariikhiga Ee lagu qabto munaasibada qaran sida khayriyada iyo Dugsiyada waxbarasho ee gudaha magaalada gabiley.

Sidoo kale waxaa ololahan dhirta lagaga beerayo gudaha Magaalada Gabiley ka hadlay Maayarka magaalada gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo shacabka ku dhaqan Magaalada Gabiley Gaar ahaan dhalinyarada ugu baaqay in ay ilaashadaan bilicda Magaalada oo ay qofkasta oo reer gabiley ah  masuuliyadi ka Saaran tahay in ay ilaaliyaan geedaha la beeray islamarkaana ay Dhinac uga soo wada jeestaan hirgalinta wixii horumar ah ee laga wado magaalada gabiley si kor loogu qaado bilicdeeda.

Dhanka kale badhasaab kuxigeenka gobolka gabiley ayaa shacabka reer gabiley ugu baaqay in dhinac looga soo wada jeedsato horumarinta magaalada .

Sikastaba Ha Ahaatee Maamulka dawlada hoose ee gabiley oo Uu hormuud uyahay Maayarka maxamed Amiin ayaa Mudooyinkii udanbeeyay gudaha magaalada gabiley ka Hirgaliyay wadooyin afar haad ah oo lagu beeray Geedo Timir Ah.

Halka Ay Maamulka dawlada hoose ee gabiley sidoo kale Jidadka wadooyinka Halbawlaha ee magaalada Gabiley ku Xidheen laydh kaasi oo kor uqaaday bilicda magaalada gabiley Oo siwayn isku badashay islamarkaana wakhti xaadirkan ka Dhigay In Bilicda  magaalada gabiley Ay soo jiidato Indhaha shacabka reer Somaliland iyadoo safka hore kaga jirta Magaalooyinka ugu horumarsan dhinaca bilicda iyo jidadka ee Guud ahaan magaalooyinka waawayn ee Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE.

Exit mobile version