WAJAALE NEWS

“Badbaadinta Nidaamka Xisbiyada Badan Ee Somaliland Uma Taalo Xisbul Xaakimka Kulmiye, Ee Waxay u Taalaa Labada Xisbul Mucaarid.Cali Guray

SHIRWAYNIHII KULMIYE MAXAA KAAGA BAXAY?

 Arinku waa laba mid.  UCID iyo WADDANI in ay iskaga biiraan KULMIYE si ay Somaliland ugu celiyaan nidaamka xisbiga keliya. Iyo in Faysal iyo Cirro ay iskaga degaan xilalka oo fursad ay siiyaan kuwo badbaadin kara xisbiyadooda oo ogol in ururada la furo oo aan baqe ka qabin in ay waayaan xisbinimadooda.

Labadaba hadii ay diidaan sidan hadda ay yihiinna sii ahaadaan taasi waxay fursad u noqon kartaa keliya Kulmiye, nin jecel iyo nin necebba, ururo la furayaana ma jirto.

Sidaa daraadeed badbaadinta nidaamka xisbiyada badan ee Somaliland uma taalo xisbul xaakimka Kulmiye ee waxay u taalaa labada xisbul mucaarid. Madaxwayne Muuse isaga ta xisbigiisa ayaa u taal waanu ka shaqaystay oo sidii dantiisa iyo danta xisbigiisa uu u arkayay ayuu ku calool adaygay. Garina Allay taqaane ta xisbiyada mucaaridku isaga uma taalo lagumana canaanan karo waayo siyaasadda la isma amaahiyo.

Siyaasi cali maxamed Yuusuf “Cali guray”

Exit mobile version