WAJAALE NEWS

Suxufi Axmed Cismaan Batuun Oo Maanso Baroordiiq iyo Duco ah Ka Tiriyey Geeridii Ku Timid Marxuum Maxamed-rashiid

Hargeysa (Wajaalenews)-Suxufi Axmed Cismaan Batuun oo ka mid ah suxufiyiinta ay sida aadka ah isugu dhawaayeen Marxuum Maxamed-rashiid Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee ayaa maanso baroordiiq iyo duco ah ka tiriyey geerida naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, Xoghayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo 29-kii December 2014-kii ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo lagaga daawaynayey dhaawac ka soo gaadhay Shil-baabuur oo duleedka Berbera ku haleelay, waxaana marxuumka si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha xeedho ee duleedka caasimada Hargeysa.

Maansadan uu curiyey Suxufi Axmed Cismaan Batuun oo la yidhaa DAADIHIYE ayaa waxay ku bilaabmaysaa sidan:-

Dhegta waxa u daranoo

Marna aanay doonayn

Dantu waxay khasbaysaa

Adigoon is diidsiin

Waa daa’in tiisee

Degdeg inaad u fulisee

Waxa damay ilays shidan

Daadihiyihii iyo

Haldoor-baa xaqii helay

Dadka ururin jirayoo

Daacadnimada hadalkiyo

Dalka horumarkiisiyo

Deeqsinimo ku caan baxay

Danyaraha la quudhsado

Dawankii codkoodiyo

Diri jiray warkoodee

Laga doonan jiray hiil

Xabaal lagu daboolyoo

Durugyoo adduun kale

Geesigii u diga rogay

Ana waxaan damqanayaa

Markaan dayo dhankiisii

Docda igu banaan iyo

Dabaysha iyo fooraha

Waxa aan i daynayn

Isku soo dabaalkii

Labada isku duda iyo

Dulqaadkiyo xishoodkii

Waxa aan i daynayn

Dardargalinta hawlaha

Isku dubbaridkii iyo

Dabuubtii haboonayd

Waxba yaan durdurinoo

Marba doc isku qaadine

Waxa damay ilays shidan

Haldoor-baa xaqii helay

Daayinoow Allahayoow

Waxaan kaa dalbanayaa

Danbigiisa dhaafoo

U door maxamed khayrkoo

Janadii durduursii

Ehelkiyo dadkiisana

Samir deeqa waligood……….

Waa baroor diiq kooban oo aan ugu talo galay walaalkaygii qaaliga ahaa maxamed rashiid muxumed faarax eebe ha u naxariisto oo ha ugu deeqo janatul fardowsa. Aamiin

Exit mobile version