WAJAALE NEWS

“Sadexda Isku Haysta Talada Somaliya, Waa Sadex Isku Hayb Ah”Siyaasi Cali Guray.

Waa Sadexdii Muxaafidka Xukuumadda Federaalka Malaha oo wada yeelanaya Common Strateji. Labadii kale Ilaa hadda waxay u muuqdaan in wadahadalkii dhexmaray iyaga iyo Farmaajo aan wax heshiis ah laga gaadhin. Hadii doorashadii aan tooska ahayn la isla qaatay maxay tahay dhibaatada kale ma sida loo soo xulayo xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu heshiin waayay. Kuwa ay isku khilaafsan yihiin dee waxay noqon karaan uun 61ka Daarood oo inta ugu badan ay Farmaajo taageersan yihiin.

Madaxwayne Dani kolay waxa isaga kurbo gaar ah ku 15 xubnood ( Dhulbahante iyo Warsangeli) hadii lagu haysto in sida Majeerteen uu isagu xulistooda saamaynta ugu wayn ku yeesho oo Madaxwayne Farmaajo si kale wax u dhigo. Markaa 9 xubnood wax ka badan gacan uguma jiraan Puntland ayay u ekaanaysaa. Hadii saamigu sidii hore 4.5 ku salaysan yahay Axmed Madoobe ma inta Ogaadeen wax ka badan ayuu isku wadaa in isaguna uu yeesho?

Sida Muuqata Hawiye, Dir, iyo Digil Iyo Midhifle cid wax go’aan ah kuma yeelan karaan labada maamul-goboleed ee Puntland iyo  Jubbaland oo laba daraaf ee ugu kala fog ah (Waqooyiga fog iyo Koonfurta fog). Weliba Jubbaland gobolada inta badan Alshabaab ayaa dhulka ugu wayn weli gacanta ku haysa ama saamaynta ugu badan ku leh. Xataa caasimadda Kismaato 5 km wax ka badan gacan uguma jirto Axmed Madoobe. Gobolka Gedo laftiisa Ciidanka Dawladda iyo kuwa taageersan (Mareexaan) ayaa ka taliya. Dhinaca Waqooyi hadalkiisaba daa duleedka Kismaayo Jamaame, Gilib ilaa xadka ay la leedahay Shabeelada Hoose oo Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed ah adigu Kuunyo Barrow oo kala badha Muqdisho iyo Kismaayo oo midba 25”Km u jirta Alshabaab ayaa ama ka talisa ama ku gacan saraysa. Sidaa daraadeed Axmed Madoobe hawsha ugu wayn ee u taalaa waa sidii uu maamullkiisu uu gacanta ugu dhigi lagaa dhulka maamul goboleedkiisa oo laga yaabo wax ka badan 20% ay ka maqan maamulkiisa taasina kuma fila awoodda Jubbaland oo keli ahi. Maamulka Puntland waa ka keliya ee isaga uu gacanta ugu wada jiro dhulkiisa oo dhami.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

Exit mobile version