CEERIGAABO(W,N)-Suldaan guud ee beelaha warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamud. ayaa shaqo sharaf ku maamuusay salaadiinta beesha habar awal oo socdaal ku jooga magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo.
Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa dhigiisa beesha Subeer Awal Hadhimo sharafeedani Ugu sameeyay Guriga uu ka Degan Magaalaada ceerigaabo Halkaasi oo uu soo dhawayn diiran ku qaabiley,
Waxaana Ugu Horay Munaasibadan Qado sharafta ah ka jeediyay suldaan guud ee beelaha Warsan gali ee isagu lahaa casuumada isagoo madxadhaqameedka beesha subeer awal ku qaabiley qabil furan iyo soo dhawayn meeqaabkeedu sareeyo.
Sidoo Kale Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo Hogaaminayay Waftiga madaxdhaqameedka subeer awal ee uu suldaanka guud ee beelaha warsangali ku casuumay magaalada ceerigaabo ayaa uga mahad celiyay suldaan siciid sida milgaha iyo sharaftu ku dheehan tahay ee uu uqaabilay isagoo sheegay in ay casuumadan iyo soo dhawayntuba Tahay mid ay ka filayeen dhigooda beesha Warsangali ayna kamid tahay dhaqanka iyo milgaha soo jireenka ah dadka reer Somaliland caanka ku yihiin.
Waftigan Madaxdhameedka Beesha Subeer awal ee uu Hogaaminayo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ay Weheliyaan Suldaan Maxamuud Axmed Sheikh, Iyo xubno kale oo isugu jira Salaadiyiin, Cuqaal Iyo Waxgarad ayaa Mudo dhowr maalmood ah safar ku jooga magaalo madaxda Gobolka Sanaag Ee ceerigaabo oo ay utageen hawlaha la Xidhiidha arimaha dhaqanka iyo sidii ay dil hore uga dhacay Magaalada Berbera ugala soo xaajoon laahaayeen beesha Habar Jeclo Gaar ahaan Beesha Muuse Abokor (Biciido) taasi oo ay kulamo la yeelan doonaan maalmaha soo socda.
WAJAALENEWS DESK
CEERIGAABO OFFICE.