WAJAALE NEWS

Roob Xoogan Oo Dabaylo Wata Oo Da,ay Degmadda Sallaxley Iyo Khasaare Uu Gaystay.

Sallaxley (W,N)-Roob xoogan oo dabayl wata oo  Galabta ka da’ay Degmadda Sallaxley ayaa Khasaare kala duwan gaadhsiiyey Goobo dawladeed iyo Guryo dadweyne oo Ku yaala Magaaladda Sallaxley.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed  oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wakaaladda Wararka Somaliland ee Solna ayaa sheegay in Roobkan dabaysha watay uu khasaare soo gaadhsiiyey Dugsigii Sare ee Degmadda, Kii Hoose dhexe ,Cisbitaalkii iyo Guryo badan oo dadweynuhu leeyihiin iyo Weliba Xarunta dawladda hoose ee degmadda sallaxley.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada sallaxlay ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha uu sobobay roobkani

Exit mobile version