WAJAALE NEWS

Maraykanka Oo Ku Fashilmay Inuu Kordhiyo Cuno-qabataynta Hubka Ee Saaran Dalka IRAN.

Washington(W,N)-Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa diiday soo jeedinta Mareykanka ee ah in la kordhiyo cunaqabateynta hubka ee saaran Iran.

Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Kelly Craft ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay jimcihii ku sheegtay in Mareykanku uu xaq u leeyahay in uu wax ka badalo qodobada ka soo baxay qaraarkii Golaha Amaanka ee soo socda.

Mareykanka ayaa kaliya ka helay taageerada soo jeedintiisa Dominican Republic. Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka soo horjeeday halka Jarmalka, Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska iyo sideed kale ay ka aamuseen.

Sida ku cad shuruucda qorshaha wadajirka ah ee waxqabadka (JCPOA) ee 2015, xayiraada hubka ee caadiga ah ee saaran Iran waxaa si sharci ah loo soo afjaray badhtamihii Oktoobar.

Muddo bilo ah, Maamulka Trump wuxuu doonayey inuu kordhiyo cunaqabateynta inkasta oo uu ka baxay heshiiska niyucleerka, waxayna ahayd olole la saadaaliyay inuu fashilmi doono Maraykanka.

Exit mobile version