WAJAALE NEWS

DAAWO;-Muj Saleebaan Salo Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedo Uu Maayarka Caasimada Hargaysa Usoo Jeediyay Siyaasi Bakayle.

HARGAYSA(W,N)-Muj Saleebaan Xuseen Sallo Oo kamid ah mujaahidiin usoo Halgamay dib xoraynta Jamhuuriyada Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyay,Hadalo kasoo yeedhay siyaasi cabdilaahi Bakayle islamarkaana Maayarka caasimada ka difaacay eedaha uu usoo jeediyay, Bakayle oo ka hadlay madal lagu shaacinayay xildhibaan kamid noqon doona golaha deegaanka caasimada hargaysa ee doorashada soo socoto.

Muj Sallo ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin eedaha siyaasi Cabdi Muuse (Bakayle” usoo jeediyay maayarka caasimada Islamarkaana aanay beel ahaan ku khasaarin maayarnimada Cabdiraxmaan Soltelco.

Sidoo  kale Muj Sallo ayaa sheegay in aanu siyaasi bakayle marnaba ka talin wanaaga nuux ismaaciil islamarkaana aanay jirin meel uu kaga taliyay cida noqonaysa maayarka hargaysa wakhtigii loolanka loogu jiray kursiga.

Dhanka kale Muj saleebaan sallo ayaa sheegay in siyaasi cabdilaahi bakayle aanu dalka joogan wixii loosoo marayna aanu waxba kala socon, lana og yahay wixii uu isagu ahaa shakhsiyan Wakhtigii lagu jiray halganka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version