WAJAALE NEWS

Ciidamada Booliska Oo Xabsiga Utaxaabay Dhalinyaro Lagu Eedeeyay In Ay Gubeen Deeqdii Xukuumada Gaysay Degmada Sallaxley.

Hargeysa(W,N)- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa Xabsiga u Taxaabay dhalinyaro Shalay La sheegay inay gubeen caawimadii iyo gurmadii Xukuumadu gaysay Deegaanka Salaxlay oo ay ku dhufatay duufaan dumiyey qaybo kamid ah Dhismayaasha magaalada.

Ciidamada Boolisku ayaa waxay soo xidheen afar kamid ahaa dhalinyaradi ficilkaas samaysay. Kuwasoo markii ay wax Gubayeen iska soo duubay Muuqaal.

Wararka hordhaca ah ee laga helay xadhiga dhalinyrada oo laga soo qabqabtay degmada sallaxlay ayaa sheegay in ay ka dhalatay  isku dhac booliska iyo shacabka ku dhaqan degmada sallaxley oo iyagu kasoo horjeestay xadhiga dhalinyrada oo markii danbe loosoo dhaadhiciyay Magaalada Hargeysa dadkii ay soo qabteen Ciidamada Boolisku.

dhanka kale, qabashada kooxda shalay sameeyey ficilkii lagu gubay dharka, ayaa markii la qabanaayey waxa ka dhacay Magaalada Salaxlay is hortaag ay sameeyeen dhalinyaro taageersanayd, kuwaasoo ay isku dhaceen Ciidamada Booliska. Wallow aanu isku dhacaasi la dhalan wax dhibaato ahi.

Exit mobile version