WAJAALE NEWS

Hoggaamiyaha ururka Ginbot 7 oo dib ugu laabtay Itoobiya

Addis Ababa (WJN)- Hoggaamiyiha ururka Ginbot 7, Berhanu Negu ayaa dib ugu laabtay dalka Itoobiya kaddib markii uu dalkaasi ka maqnaa in ka badan 10 sanno.

Hoggaamiyaha ururka Ginbot 7 Berhanu Nega ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa, tageerayaashiisa ayaa lagu arkayay waddooyinka magaalada iyagoo sita calanka Itoobiya.

Waxaa la filaya inuu tageerayaashiisa kula hadlo fagaaraha ugu wayn ee halkaasi ku yaalla.

Waxaa lagu soo warramaya in Berhanu Negu uu kamid noqonaya hoggaamiyeyaasha ugu sarreysa mucaaradka ee ka faa’idaystay isbaddallada ka socda Itoobiya oo uu gadhwadeen ka yahay ra’iisal wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed.

Ururka Ginbot 7 ayay dowladda Itoobiya dhawaan ka saartay liiska kooxaha ay u aqoonsanayd argagaxisda.

 

 

Exit mobile version