WAJAALE NEWS

Beesha Ugayslabe Oo Munaasibad Hadhimo Sharafeed Ah Ku Soo Dhaweeyay, Salaadiin Iyo Waxgarad Uu Hogaaminayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Ceerigaabo(W,N)-Odoyaasha Waxagardaka Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo Dhalinyarada Beesha Ugayslabe ayaa, Munaasibad si heersare ah loo Soo Agaasimay, oo Hadhimo Sharafeed dhaqan ah kusoo dhaweeyay Kuna Maamuusey, Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka Nabadaynta Ka Wadey Gobolka Sanaag ee uu Hogaaminayo Suldaanka Guud ee Beesha Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Sul Maxamuud Garaad Cali Shire.

Iyadoo Munaasibadan Qado Sharafeedka ah oo Lagu Qabtey Deegaanka DHAXAMO ee Katirsan Degmada Ceerigaabo,  Waxaana Munaasibadan, Kulankeedu ahaa mid indhawaale Nooceedu, ku Cusub Yahay Degmada Ceerigaabo ito Guud ahaanba Gobolka Sanaag Islamarkaana, Kulmisey Wajiyo Cuqaal,Salaadiin,Odayaal Waxgarad iyo Shalhsiyaad Saaxiibo ah oo aan Mudo Dheer is arag, Taas oo Xiisa Gaar ah u Laheyd Ergayda Salaadiinta uu Hogaaminayo Suldaanka Guud Suldaan Siciid iyo Waliba Odoyaasha Beesha Ugayslabe, Waxaanay Qeyb ka aheyd Dhiirigalinta iyo Xoojinta, Dhaqdhaqaaqa Nabadaynta, ee Ka Socda Degmada Ceerigaabo.

Suldaanka Guud ee Beesha Warsangali islamarkaana ah Hogaamiyaha Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka Ergooyinka Nabadeed Suldaan Siciid Suldaan Cabdislaan oo Ku Hadlaya Magaciisa iyo kan Ergada ayaa ka Mahad Celiyay, Qada Sharafeedka Iyo Soo Dhaweynta Dhaqan, ee Ka Shislayd Kuwa Caadiga ah Waxaanu Suldaanku Xusey, in ay Si Qiima Badan uga Gudoomeen Soo Dhaweynta,Sooryada, iyo Hadyadaha Ku Lamaanba, taas oo Suldaanku Xusey in ay Tahey mid Gobanimo oo ay Dhaqan iyo Milgaba u laheyd Beeshu.

Sidoo kalena, Waxa iyaguna Munaasibada hadalo Soo dhaweyn ah Ka Jeediyay Odoyaasha iyo Waxgaradka Beesha oo Sheegay,in ay Waajib ku Tahey, in ay Soo dhawaynta iyo mid lamid ahab Ku Mamuusaan Suldaanka iyo Madaxdhaqameedka Kale.

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version