Waxaa Dhigaal Aan halkan shalay Ku qoray oo u dhignaa “Qaylo-dhaan: Shulaac Stadium’ Ka soo fal-celiyay qoraal iyo is-Maqal xaga khadka telefoonka ahba dad badan. Waxaa Ka mid Ahaa dadka xubno Ka tirsan Guddida Garoonka gacanta ku Haysay dhankooda siday Wax yihiin iiga waramay. Dhalinyaradaas Guddida ah runtii waxay muujiyeen niyad-sami iyo dedaal. Waxay arinta Garoonka Ku bixiyeen dedaal dheeri ah mudan bogaadin iyo amaan. Waxay isku-daygoodii Ku keeneen dhul Garoonka laga dhigo iyo qaadhaan dhan 11% kharashka lagu qiimeeyay inuu Ku baxayo Garoonka la qorsheeyay.
Waxaa la kulmay carqalado dhanka maal-galinta ah markii Xukuumadda cusubi timid. Wixii ay ii sheegeen in wixii dhismaha deyrka galay mooyee ay lacagtii hayaan wixii kale diyaarna u yihiin iney xogtaa iyo xisaab-celinba la wadaagaan Cid kasta oo ay khusayso. Ilaahay baa ina dilayee, haddii ay sidaa wax u jiraan, oo lacagtii ay hayaan wixii aan meesha gelin wixii kalena xisaab diyaar u yihiin Guddigaasi waxay istaahishaaa biladda amaanadda. Wixii caqabad ay la kulmeen in dadka xaafada, dawladda hoose, odayaasha, wasaaraddaha Maaliyada iyo Ciyaaraha iyo daneeyayaasha kale inay u soo ban dhigaana waan Kula talin lahaa. Inaggana waxaa waajib inagu ah ineynu garab istaagno.
Gari Alley taqaane, inaynu dhankooda wixii ay Ila wadaagteen inaan idiin soo gudbiyo waxaa I faraya damiirka, dhexdhexaadnimada iyo gar-siinta dhinacyada. Waa Kan nuxurkii wixii ay Ila wadaageen.
“Garoonka Shulaac waxaa uu lee yahay taariikh dheer oo waayaheeda leh muda laga joogo toban sano ayaa reerka layidhaa ilma shulaac aya go’aansadee beer ay leeyihiin oo ku taala woqooyiga magaalada hargaysa la qorsheeyo markii lag qorsheeyay dantii guud ee ka soo baxday ayay waxay ku dhawaaqeen in garoon laga dhigo kuna wareejiyeen Dawlada hoose ee magaalada hargaysa,dawlada hoosena ay sidii ku hir galisay in uu noqdo garoon 2aad ay yeelato caasimada Hargays, intaaka bacdi garoonka waxaa gacan ku hayntiisa lagu wareejiyay ururka dhalinyarada ee Akaadamiga Horumarinta Dhalinta iyo Ciyaaraha ee (AYD) oo markii horaba gaadhka ka hayay maadama oo dad badani isku dayay in la wareegaan.
Waxa uu ururku ku guulaystay in uu ka hor istaago cid kasta oo hunguri kaga jiray in ay u adeegsato ama ay ka dhisaan hanti gaar ah.
Hadafka ururka dhalinyaradu waxa uu ahaa in laga dhigo garoon caalami ah oo ka heer sareeya garoomada wadanka ka dhisan, sidaa daraadeed waxaa la sameeyay qorshe lagu dhisayo garoonka waxaana loo bandhigay qorshihii wasaarada maaliyad ee xiligii Siilanyo waanay aqbaleen in ka qayb qaatan siiba wasiir Samsam Cabdi Aadan, way aqbashay wasiiradu waanay ka qayb qaadatay.
Garoonka waxa loo qorsheeyay in laga dhigo mid casri ah oo laba dabaq ah miisaaniyada ku baxaysaana ahayd laba milyan iyo sagaal boqol kun ($2,900,000), waxa kaliyee la helay waxa Ay ahayd lacagtii ay Zamzam Cabdi Aadan ugu dartay miisaniyada cid kaloo wax laga qaaday may jirin.
Lacagta la ay bixisay wasiiradu waxay ahayd: $331,000 markii laga jaro cashuur iyo isku badalka sarifaka oo xiligaa aad u sareeyay.
Waxii ku baxay dayrka mooyee waxii kale waxa uu ku jiraa account ka ururka.
Ilaa imikana waxaa la raadinayaa qorshahaa sidii lagu dhamayn lahaa cidii uu shaki kaga jiro ha la xidhiidho gudida garoonka.
Waanu karanaynay in aan laba kaabadood taagno roogna dhigno laakiin hadafku waa ka waynaa intaa cidii ku qancaysaa waakaa waana naga lilaahi.”
Ugu dambayntii, waxaan soo jeedin lahaa talooyinkan:
1;In Wasiirka Maaliyadda Mudane Sacad Cali Shire uu la fadhiisto Guddida Una sii waddo miisaaniyaddii Wasiirkii hore ugu daray Garoonka. Sidoo kale waa in xisaab-celin iyo hanti-dhowr lagu sameeyaa Mashruuca.
2;In dib loogu noqdo qorshaha Garoonka oo wax-ka-bedel iyo Kaabis lagu sameeyo qorsha Garoonka iyo qiimayntiisa.
3;In Guddida shirar wada-tashi ah la samayso Dhalinyarada Xaafadda, Wasaaradaha Maaliyada, Ciyaaraha iyo Dawladda hoose ee Hargeysa.
4;In Guddidu , sida ugu dhakhsaha badan, u soo bandhigto Xisaabta (wixii baxay, waxay Ku baxday iyo waxa ay hayaan). Soo bandhigid daah-furan taas oo dhisi doonta kalsoonidda daneeyayaasha iyo sii ambaqaadka hawsha taagan.
5;In Guddida la balaadhiyo Laguna darro culimo, ganacsato iyo wax-garad kale.
6;In Mashruuca dhismaha Garoonka si kama dambaysta ah loo mudeeyo xiliga uu dhamaanayo.
7;In guddidu hawsha iska wareejiso haddii aanay halkaa dhaafin karin oo loo igmado Cid dhamaystiri karta.
QALINKII IYO FALCELINTII AQOONYAHAN XAMSE CABDIRAXMAAN KHAYRE.
HARGEISA SOMALILAND