HARGAYSA(W,N)-Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Ansixiyay Xeerka Tamarta Somaliland Xeer No18 sanadkii 2018 kaasi oo Uu Madaxwaynaha Somaliland Dhaqan Galiyay.
Hadaba xeerka Tamarta Somaliland ayaa sheegaya in lasoo magacaabo komishanka korontada Somaliland oo ka kooban 7xubnood kaasi oo uu qeexayo xeerku qaab dhismeedkooda iyo meelaha ay ka kale imanayaa.
Waa xeer dhaqan gal ah ,waxa xeerkan lagu qeexay in la Asaaso KOMISHANKA TAMARTA oo ka koobnaan doona 7 XUBNOOD oo xeerka lagu cadeeyey.
Meelaha ay ka kala imanayan xubnaha, komishanka Tamarta korontadu noqonaya waxay kala yihiin .
1;Ururka Tamarta Ee korontada(Ururka Shirkadaha laydhka ) Waxay Soo Xulayaan 3 xubnood .
2;Ururka Injineerada Hal Xubin.
3;Ururka Qareenada Hal xubin .
4;Ururka Dawladaha Hoose Hal Xubin .
5;Wasaarada Tamarta Hal xubin.
Shantan meelood ee soo xulaya waxay midkasta soo gudbinaysaa laban laab xubnaha loo cayimay (min laba xubnood).
Wasiirka macdanta iyo tamarta aya meelaha soo xulaya ugudbinaya qoraal ah in ay soo xulan xubnahaas kadib marku wasiirku helo dhaaman 14Xubnood waxa uu markaasi si toos ah ugu gudbinaya madaxweynaha Jsl liiska 14 Xubnood iyadoo madaxweynuhuna digreeto magacabis ah kusoo saarayo Todobada Xubnood ee uu ka xushay una magacabaya KOMISHANKA TAMARTA KORONTADA.
Magacaabis kasta oo aan habraaca Xeerkani jideeyey Aan Loo marin Waxay Noqonaysa Mid Sharciga Baalmarsan.
Dhanka kale madaxwaynaha Somaliland ayaa maanta magacaabay 7xubnood ee komishanka korontada Somaliland kaasi oo aanu umarin sifo sharciya amaba habraaca uu jideeyay xeerka tamarta Somaliland ee la ansixiyay 2018 madaxwaynuhu dhaqan galiyay iyadoo gudida uu magaacabay ay dhamaan baalmarsan tahay xeerka
Hallkan Hoose Kaga Bogo Qodobka Xeerka Tamarata Ee Qeexaya qaabka loo magacaabayo komishanka Korontada Jsl;