WAJAALE NEWS

Libya diyaargarowga ka socda iyo tijaabada adag ee Masar sugeysa maxay yihiin?

Haddii dalka Afghanistan aad ku ogeyd halka ay ciidamadooda isugu geeyeen dalalka ugu awoodda badan caalamka, haatan waxaa muuqata inay badeshay Libya oo ay dhici karto inay ku hardamaan quwada waaweyn.

Dalkan qaniga ah oo ay ragaadiyeen dagaalada sokeeye waxaa isugu durbaan tumanaya dalalka kala taageersan dhinacyada isku haya Libya, kuwaas oo kala ah Turkiga oo taageeraya dowladda Qaramada Midoobay ay aqoonsan tahay iyo Masar oo la aaminsan yahay inay taageereyso Jeneraal Khalifa Xaftar.

Masar waxaa sidoo kale arrinkan ku taageeraya dalalka Sacuudiga iyo Imaraatka iyo qaar ka mid ah dalalka Reer Galbeedka.

Wargeyska Washington Post ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warramay in gudaha dalkaas ay ku sugan yihiin kumannaan maleeshiyaad calooshood u shaqeystayaal ah oo ka soo kala jeeda dalalka Suuriya, Sudan iyo Ruushka.

Sido kale dhanka ciidamada cirka, dalalka isku haya collaadda Libya waxay wadankaas ku soo daabulayaan diyaaradaha dagaalka, iyo kuwa aan duuliyaha saarnayn ee drone-ka iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

Horraantii bishan, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guteres ayaa ka digay faragelinta shisheeye ee dalka Libya, wuxuuna tilmaamay inay gaartay meel aan la maleysan karin.

Qoraalka sawirka,Waxaa laga digayaa in la hubeeya qabiillada Libya – taas oo colaadda uga sii dari karta

Dalka Turkiga wuxuu hadda u muuqda in uu gaaray guul ka dib markii uu u soo gurmaday dowladda Libya ee Qaramada idoobay ay aqoonsan tahay oo dagaal adag kala kulmeysay xoogagga Khalifa Xaftar.

Dowladdaas ayaa mar ku dhowaatay in dalka oo dhan uu gacanteeda ka baxo, iyadoo xilligaa Xaftar uu isku deyayay inuu qabsado magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Xilligan dowladda fadhigeedu yahay Tripoli waxay gacanta ku heysaa inta badan galbeedka dalkaas, waxayna kusii dhowaaneysaa magaalada shidaalka laga soo saaro ee Banghazi.

Xiisadda Libya waxay hadda u muuqata in ay yeelatay wejiyo kale, ka dib markii baarlamaanka dalka Masar u ansixiyay in ciidamadooda loo diro hawgal dibadda oo Libya ay ka fuliyaan, arrintaas oo sida la aaminsan yahay xiisad horleh ku keentay dagaalka Libya.

Inkastoo Masar aysan markii horeba ka marneyn dagaalka Libya, haddana dad badan waxay isweydiinayaan in ay foodda dari doonaan Turkiga iyo inkale? mar haddii ay u tafaxeedatay hawgal ay daglkaas gudihiisa ka sameynayaan.

Cabdiraxmaan Aadan Xadaana oo darsa arrimaha Carabta ayaa yiri: “Masar markii hore dagaalka way ku jirtay oo waxay taageereysay Xaftar, wayna adag tahay in dagaalka ay soo gasho, sababtoo ah waxay la safaneysaa Ruushka oo ay wada taageersan yihiin Xaftar, taasina Mareykan ma oggola oo ma doonayo in Ruush loo banneeyo,”

“Mida kale, Turkiga waxaa uu ka mid yahay gaashaanbuurta NATO oo haddii aanay raali ka ahayn waxaas oo dhan maba ay dhaceyn,” ayuu hadalka ku sii daray.

Masar ayuu sidoo kale sheegtay in aysan hadda dagaal geli karin, sabab dhaqaale la xiriira iyo inuu culeys ka heysto dhanka wabiga Niil oo ay isku hayaan dalka Itoobiya.

Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Masar Al-Sisis (midig) wuxuu taageerayaa Janaraalka soo jabay Khalifa Xaftar (bidix)

Qaar ka mid ah wadamada Carabta ayaa ka soo horjeestay arrin la sheegay in Masar ay ku dhaqaaqday oo ah inay hubeyso qabaa’ilka Libya, waxaana dalalka ka digay ka mid ah Aljeeriya oo sheegtay in haddii la hubeeyo qabaa’ilada Libya ay noqoeyso sida Soomaaliya oo kale.

Fawaz al-Hamuuri oo ka tirsan wargeyska laga leeyahay Jordan ee Al-Rai, wuxuu aaminsan yahay in shacabka Libya “aysan ka badbaadin faragelinta aan sharciga ahayn ee lagu hayo dhulkooda, dhaqaalahooda, amnigooda, iyo rabitaankooda ku saabsan in xasillooni iyo nabad ay helaan, lagana gudbo dhibaatada iyo colaadda gudaha dalkooda ay ka wadaan ururka la baxay Khilaafada Islaamka iyo maleeshiyaadka kale ee dalkooda la geeyay”.

Dalalka Masar iyo Turkiga oo ah labada dal ee ugu awoodda badan Bariga Dhexe ayaa awood ahaan la aaminsan yahay in aysan waxba is-dheereyn marka la eego qiimeynta dhanka awoodda militariga oo uu dhawaan soo saaray wargeyska Global fire power oo ka faallooda arrimaah ciidanka.

“Baryihii dambe Turkiga wuxuu ahaa awood shisheeye. Suuriya ayuu ka dagaalamaa, Ciraaq ayuu ka dagaalamay, hadda Libya ayuu ka dagaalamayaa balse Masar in ay xuduudda ka tallaabto oo ay dibadda ka dagaalanto waxaa ugu dambeeysay 1960-kii, marka taas iyada laftigeedu khibrad ayay u baahan tahay”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Aadan Xadaana.

Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Turkiga, Erdogan iyo Ra’iisul wasaaraha Dowladda la aqoonsan yahay ee Libya Fayez al-Sarraj.

Akram Al-Qassas oo ka tirsan wargeyska, Al-Yowm Al-Sabiya ee Masar ka soo baxa, ayaa sheegay in “Masar ay horey u xaqiijisay in aysan ogolayn in faragelin iyo duullaan shishiiye lagu qaado Libya iyo maamulkeeda, dhaqaaleheeda iyo shacabka Libya intuba, balse danaha maleeshiyaadkii ay taageereysay oo meesha ka baxaya iyo faragelinta tooska ah ee Turkiga ayaa wax ka badalaya qariidadda awoodda iyo dhaqaalaha kuwaas oo sababay sii kala fogaansho”.

Al-Qassas wuxuu intaa ku daray: “Masar waxay filaysay in ay sii socon doonaan wixii dhacayay sannadihii la soo dhaafay, haddana inkastoo aysan rabin faragelin iyo daandaansi, waxaa weli ka go’an difaaca daneheeda amniga qaranka, wayna fahamsan tahay muhiimadda ay arrintaas u leedahay Libya.”

“Haddii kooxaha taageersan Turkiga ay sii wadaan duullaanka ayna ka gudbaan qadka cas – inkastoo aan la fileynin taas – Masar waxay ku qasbanaaneysaa in ay difaacdo danaha la xiriira amnigeeda qaranka”.

Qaar ka mid ah madaxda dalalka Yurub ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in dalalka ku dagaalamaya gudaha Libya ay ugu baaqayaan inay joojiyaan faragelinta, ayna ixtiraamaan cunaqabateynta hubka ee saran dalkaas.

Haseyeeshee Faransiiska oo ka mid ah dalalka baaqa soo saaray ayaa lagu eedeeyay in uu taageerayo dagaal-ooge Xaftar.

Xaaladda Libya waxay hadda gacanta u gashay Turkiga iyo Masar oo loolamaya – labada dal waxay kala noqdeen kuwa “go’aannada u kala gaara Bariga iyo Galbeedka.”

Cubayd Al-Raqiq oo ah saxafi u dhashay Libya ayaa sheegay in uusan jiri doonin isku dhac militari oo laba dhinac – Turkiga iyo Masar – ku dhexmara Sirte iyo Al-Jafra ee Libya.

Walwalka ugu weyn ayaa hadda sida ay noqon doonto xaaladda magaalada Sirte oo Turkiga uu doonayo in uu gacanta ku dhigo.

Balse weriyaha wuxuu tilmaamay inuu aaminsan yahay in “Ruushka, Mareykanka iyo dalal kale ay isku raaceen hadda in Sirte ay tahay magaalo dhexdhexaad ah oo ciidamada labada dhinac aysan gacanta ku haynin iyo in Xaftar uu aqbalayo inuu ka fogaado magaaladaas isagoo ku badalanaya in la ogolaado in ciidankiisa ay ku sii sugnaadaan saldhigga ciidamada cirka ee Al-Jafra.”

Xaftar ayaa sidookale doonayaa in dib loo billaabo dhoofinta Shidaalka iyo in goobaha laga soo saaro ay ilaaliyaan askartiisa, sida uu qabo saxafigan u dhashay Libya.

Exit mobile version