WAJAALE NEWS

“Haddaan Qof Uun Ku Hubo Muwaadinnimo, Toosnaan, Sharci Dhawris, Iyo Dal & Dad Jacayl, Waa Guuleed Dafac” Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey,

HARGAYSA(W,N)-Abwaan Cabdilaahi Abwaan  Xasan Ganey Oo Kamid Ah Dhalinyarada Hal Abuurka Ee Reer Somaliland ee ku Dhaqan Dalka Dibadiisa ayaa ka hadlay sida qofka reer Somaliland ee ka hadla Danta bulshada loo mar mariyo dacaayado raqiisa iyo cidbaa kaa danbaysa.

Sidoo kale Abwaan Cabdilaahi ayaa tilmaamay dadnimada iyo Dal jacaylka Garyaqaan Guuleed Dafac oo kamid shakhsiyaadka Reer Somaliland ee udooda shacabka iyo ilaalinta shuruucda Dalka.

Abwaan Cabdilaahi Xasan ganey ayaa qoraal kooban oo uu Arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;

 

“Ninkii dood ka keenana

Dacaayado raqiisiyo

Waxaa lagu didsanayaa

Cid baa kaa dambaysoo,

Ninkii dooxi kara boog

Looma waayo daabaqad

Iyo qaar la daba gala.” Gaarriye AHUN

Haddaan qof uun ku hubo muwaadinnimo, toosnaan, sharci dhawris, iyo dal iyo dad jacay waa Guuleed Dafac. Qofkaan sidaa ugu hayso in uu u wanaagsan yahay, cidna uga habran maayo in aan u hiiliyo. In kolba qof bilaa qiyam ahi meelahaa ka dacaayadeeyo, damiirkeenaa lagu xujaynayaa bal waxaynu ka yeelno arintaa!’

QALINKII; Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey

 

Exit mobile version