TOG WAJAALE(W,N)-Qaarkamid ah dhalinyarada ku dhaqan degmada tog wajaale ayaa markale cabasho xoogan ka muujiyay shaqo la,aanta haysata iyo sida ay uga madhan yihiin shaqaalaha laamaha dawlada ee degmada.
Sidoo kale dhalinyarada ayaa maamulka cusub ee degmada wajaale ugu baaqay in aanay qaadin wadadii maamulkii ka horeeyay caqabad ku ahaa dhalinyarada wajaale in ay kamid noqdaan shaqaalaha dawlada ee degmada kuna hayay dhalinyarada kala qaybin in ay qabyaalad ku dhaqmaan
Dhanka kale dhalinyarada ayaa xukuumada madaxwayne biixi ugu baaqay in ay waxka qabato cabashadooda,
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;