WAJAALE NEWS

Ambasador Maxamed Cabdikariim Oo Munaasibad Qado Ah La Qaatay Cuqaasha,Siyaasiyiinta Iyo Dhalinyarada Beeshiisa!

HARGAYSA(W,N)-Safiir kuxigeenkii Hore Ee Somaliland Ufadhiya Dalka Itoobiya Amb Maxamed Cabdikariim Ayaa loo sameeyay munaasibad qado shafar taasi ay kasoo qaybgaleen Cuqaasha,Waxgaradka,Siyaasiyiinta iyo dhalinyrada beeshu.

Munaasibadan qado sharafta ee lagu aamuusay Ambasador Maxamed Cabdikarim ayaa ujeedadeedu ahayd sidii ay isku  xog waraysan lahaayeen waxgaradka ,siyaasiyiinta iyo dhalinyaradu beeshu halkaana waxaa xog waran dheer ku siiyay ambasadorka,

Sidoo kale kulanka Ambasador iyo haldoorka beeshiisa ayaa lagaga dooday arimaha doorashooyinka inagu soo foolka leh ee Golayaasha Wakiilada iyo deegaanka iyo waxyaabaha beesha uga qorshaysan xulida murashixiinta umatalaya golayaasha deegaanka iyo wakiilada.

Kulankan oo ayaa kusoo dhamaaday jawi degan iyo xogo badan oo ay waxgaradka iyo siyaasiyiinta beeshu isku waydaarsadeen mudadii uu socday halka safiirkuna xogo dheeraada ka siiyay xaalada siyaasadeed ee Somaliland .

Ambasador Maxamed Cabdikariim Ayaa kamid ah dhalinyarada reer Somaliland ee mudadii uu xilka safaarada joogay iyo intii ka danbaysay ku guulaystay in uu sameeyay galangal siyaasadeed.

Oo beesha caalamka ah kuwaasi oo uu qadiyada Somaliland ka dhaadhiciyay diblamaasiyiin faro badan oo wadamada dunida kamid isagoo dhowr jeerna ka qaybgalay shirar Somaliland umuhiim ahaa oo lagu qabtay dalal kamid qaarada yurub

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version