GABILEY(W,N)-Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan Oo Kamid Madaxdhaqameedka Gobolka gabiley odoyaasha ugu culus culus ayaa ka hadlay xaalada waxbarasho Ee dalka iyo sida ay ugu fashilantay Hagideeda Waxbarashada waxbarashadu dalka gaar ahaan ka Gobolka Gabiley.
Sidoo kale Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan ayaa soo bandhigay daryeel la,aanta macalimiinta dugsiyada gobolka gabiley dhiga Haysta oo aan wax mushahar ah lasiinin iyo gormeerayaasha oo aan lahayn wax guna ah iyo gadiid ay ku gutaan shaqada ay qaranka uhayaan,
Dhanka kale Caaqil qawdhan ayaa si toos ah ula hadlay agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada oo madasha fadhiyay isagoo usoo jeediyay in ay waxka badalaan qaabka ay uwadaan shaqada wasaarada waxbarashada oo ku dul duntay masuuliyiinta wakhti xaadirkan hogaamiya.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;