WAJAALE NEWS

Madaxweyne Obama Oo Ciraaq Ugu Baaqay Dawlad Wadaag ah.

obamaObama ayaa ku baaqey in la dhiso dowlad wadaag ah oo mideyso qowmiyadaha kala duwan ee dalkaas, si looga hortaga ayuu yidhi

Madaxweynaha maraykanka Barack Obama ayaa ku tilmaamay tallaabo horay loo qaaday magacaabida raisalwasaaraha cusub ee Ciraaq.

Madaxweynaha Ciraaq, Fu’aad Macsuum ayaa ku dhawaaqay in Xaydar Al-Cabadi uu noqdo Ra’iisalwasaaraha xiga ee Ciraaq.
Obama ayaa ku baaqey in la dhiso dowlad wadaag ah oo mideyso qowmiyadaha kala duwan ee dalkaas, si looga hortaga ayuu yidhi dablayda Islaamiyiinta ah ee dhulka ballaaran qabsatay.

Magacaabidda Xaydar Al-Cabaadi, waxaa ku gacanseyray Ra’iisalwasaaraha haatan ee Ciraaq, Nuri al-Maliki.

Al-Maliki ayaa sheegay in magacaabiddaas ay xadgudub ku tahay dastuurka dalkaasi.

Hargaysa Office
wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version