WAJAALE NEWS

“Waxa Reebban In Carruurta Lagula Kaco Xadgub Ama Tacaddi Jidheed, Jinsi, Maskaxeed Ama…” Wasiirka Waxbarashada Somaliland.

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane, Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) ayaa soo saaray wareegto la xidhiidha “Ilaalinta Bedqabka Ardayda”.

Wareegtadan ayaa xanbaarsan go’aanno hor leh iyo awaamiir ku socda maamulayaasha iyo macallimiinta goobaha waxbarashada Somalilabd ayaa waxa laga yidhi sida tan:

Sida ku cad Xeerka Waxbarashada Qaranka (Xeer Lr.77/2018), Waxbarashadu waa xaq dastuuri ah oo muwaaddin kastaa leeyahay. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay muwaaddinka siinaysaa waxbarasho ujeeddadeedu tahay in la dhiso “bulsho” ama “ummad” kuna salaysan dhaqanka Diinta Islaamka, aqoon ahaan, anshax ahaan, akhlaaq ahaan iyo cidhibtirka jahliga.

Haddaba, Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyada oo ilaalinaysa xuquuqda aasaasiga ah ee carruurta si waafaqasan shuruucda dhaqangalka ah ee dalka, waxa reebban in carruurta lagula kaco xadgub ama tacaddi jidheed, jinsi, maskaxeed ama niyad ahaaneed ba.

Sidaa awgeed, tacaddi kasta oo ka dhan ah ardayda wax loo mari doonaa dariiqa sharciga ah, iyada oo ay reebban tahay in lagu xalliyo habdhaqan kasta oo luminaya daahfurnaanta hab caddaaladeedka dhibbanaha.

Sidoo kale, masuul kasta oo qayb ka ah xadgudubka ama tacaddiga ardayga ku dhaca ama sameeya dayac maamul ama qariya xog tacaddi ama ku kaca is hortaag caddaaladeed, waxa lala tiigsan doonaa sharciga.

Masuuliyadda ilaalinta iyo bedqabka ardaygu waxa ay saaran tahay maamulka iyo macallimiinta goobaha waxbarasho.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ay faraysaa dhammaan goobaha waxbarasho ee dalka in ay muhiimad gaar ah siiyaan ka warhaynta iyo bedqabka ardayda inta ay ku jiraan goobaha waxbarasho iyaga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo.

Sidoo kale, waxa la farayaa maamulka goobaha waxbarasho in ay qiimeeyaan xaaladda ardayga marka uu goobta waxbarasho yimaaddo, arday kasta oo tacaddi la kulmayna ay warbixintiisa u gudbiyaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adaha awoodda sharci u leh si ardaygu u helo adeeg sharci iyo mid caafimaad, iyada oo la ilaalinayo xogta gaarka ah ee wax u dhimaysa sumcadda dhibbanaha.

Ugu danbayn, xogaha la xidhiidha waxbarashada iyo bedqabka ardayda, waxa saacadaha shaqada lala soo wadaagi karaa Xarunta Wicitaanka ee WW&S oo ah: 9666.

Ilaahay baa mahad leh.

Ahmed Maxamed Diiriye,
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL.

 

Exit mobile version