WAJAALE NEWS

Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Banaan Baxyo Ka Socda Dalka Itoobiya Kadib Dilkii fanaan Caan Ah.

ADIS ABABA(W,N)-Magaalada adis ababa iyo magaaliiyin kale oo ka tirsan dalka itoobiya ayaa waxaa kusii fidaya banaan baxayo lagag soo horjeedo dil habeenkii xalay ahaa magaalad adis loogu gaystay faan caan o kasoo jeeda qoomiyada oromada.

Raysal wasaaraha itoobiya abey axmed ayaa ka hadlay fanaankan isagoo sheegay in loo xidh xidhay dad lagu tuhunsan yahay in ay lug ku lahaayeen.

Sidoo kale hogaamiyaha qoomiyada oromada jawar maxamed ayaa isna si kulul ucanbaareeyay falka foosha xun ee lagu dilay fanaanka.

Dhanka Kale Banaan baxyada lagaga soo horjeedo dilka fanaanka ayaa ka socda magaalada caasimada ah  ee adis iyadoo dibad baxayaashu ay gubeen taalooyin muhiim oo ku yaala gudaha adis iyadoo wararka kale ee laga helayaa sheegayaan in banaan baxyadu ay kusii fidayaan guud ahaan dalka itoobiya ee meelaha ay degaan qoomiyada oromadu.

 

Exit mobile version