WAJAALE NEWS

Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxay Dad Shacab Ah Oo Ciidanka Boolisku Ku Dhaawaceen Buurta Kala Jeexan Oo Qoyska Madaxwayne Biixi Muran Dhul Ka Dhexeeyay+ Tirada Dadka La Xidhay.

HARGAYSA(W,N)-Ciidanka booliska ayaa saaka aroortii hore ku waabariistay dadka shacabka ah ee degen buurta kala jeexan kuwaasi oo ay doonayeen in xoog ciidan ku rarareen.

Ciidanka booliska oo dadka shacabka ah u adeegsaday rasaas nool ayaa dhawaac soo gaadhsiiyay inta la ogyahay laba qof oo kala wiil dhalinyaro ah iyo qof dumar kuwaasi oo xaaladadoodu culus tahay isalamarkaana lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee magaalada hargaysa.

Sidoo kale ciidamada booliska ayaa xabsiga utaxaabay dad tiradooda kor udhfaayaso ilaa 8qof kuwaasi oo laga xidhay xabsiyada magaalada hargaysa

Dhanka kale ciidamado tiro badan ayaa xukuumada biixi oo dhoobtay agaggaar dhulka buurta kala jeexan ee ay degan yihiin boqolaal qoys oo danyar ah kuwaasi oo dhulka ay degan yihiin uu ku hoyso madaxwayne biixi oo hormuud ka ah qoyskiisa

HALKAN KA DAAWO MUUQAALO DHIILALE OO LAGA SOO DUUBAY MARKII CIIDANKA BOOLISKU LAYNAYEEN DADKA SHACABKA AH IYO BAROORTA HOOYOOYINKA LAGU WAABARIISTAY;

 

Exit mobile version