WAJAALE NEWS

Wajaale Oo Ka Mid Noqotay Magaalooyinka Muranka Dhulku Halis Galin Karo Amniga Bulshada Jsl Iyo Dhaliisha Dul Hoganaysa Wasaarada Arimaha Gudaha!

TOG WAJAALE(W,N)- Muranka dhulka ee magaalada Wajaale ayaa sabobay marar badan rabshado ay ku dhaawacmeen mararka qaarna ay ku naf waayeen muwaadiniin bulshada Somaliland ka mida, inta maamulka maanta xilka hayaa uu joogay ee Ganacsade Xaashi Maxamuud Cabdi guddoomiyaha xilka hayay,waxaana isa soo taraya cabashooyinka dadwaynaha ka soo burqanaya iyo wararka dhiilada ah ee ka soo yeedhaya muwaadiniinta ku dhaqan magaalada Wajaale,halka Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Maxamuud Cali Saleemaan Rammaax uu xil wareejintiisii si cad ugu iftiimiyay bulshada Somaliland in ay ka jiraan magaalada Wajaale guddiyo awoodo badan oo ka taliya Wajaale .

Hadaba,muddo laba iyo toban sannadood ah ayaa laga joogaa markii madaxwayne Rayaale u magacaabay magaalada Wajaale Dagmo,inkastoo Magaalada Wajaale u qalanto dagmo dhammaystiran oo dhaqaale ahaan iyo tirada dadkaba is bixinayso xaqna u leedahay in loo dhamaystiro sharciga dagmonnimo si looga soo doorto xildhibaanada golaha deegaanka,waxaa xusid mudan in laba iyo tobankaa sannadood Sagaal sannadood oo ka mida Maayar ka ahaa Magaalada Wajaale guddoomiyaha maanta xilka haya Ganacsade Xaashi Maxamuud Cabdi,balse nasiib darro waxay muddadaa dheer tahay magaalada Wajaale degmo aan loo dhammaystirin sharciyadda degmonnimo,waxaana si toosa u maamusha una soo magacaaba maamulka degmada Tog Wajaale Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha .

Dhanka kale,markii la doortay Madaxwayne Muuse Biixi,waxaa lagu arkay saaxadda maamulka dhacdooyin ugub ku ah oo hore loogu Afartii Madaxwayne ee ka horeeyay,iyadoo ay kor u kaceen dacwadaha iyo muranka dhulka ee guud ahaan bulshada Somaliland bari iyo galbeed,waxaana bulshada Somaliland yaab iyo amkaag ku noqday dacwada dhulka ee u dhaxaysa Madaxwaynaha Qoyskiisa iyo dadwayne tiro badan oo dagan qaarkoodna muddo dheer daganaayeen galbeedka magaalada hargaysa ee buurta kala jeexan loo yaqaano,halka Madaxwaynaha Walaalkii ku  dacawoonayo in barta ay dadwaynaha tirada badani degan yihiin ay ahayd Beer uu lahaa Biixi Cabdi .

Dadka arimaha maamulka aqoonta iyo waayo aragnimada u leh ayaa ku macneeyay sare u kaca dhulka muranka iyo dacwadaha dhulka mid cadayn buuxda u ah in Madaxwayne Biixi siyaasad cad ka lahayn in xal waara laga gaadho muranka iyo dacwadaha dhulka oo halis galin kara Nabadgalyada dalka,iyadoo Madaxwayne Muuse Biixi wali talaabo bulshada Somaliland ku diirsadaan kana farxisa ka qaadin guud ahaan muranka iyo dacwadaha dhulka .

Ugu dambayn,guushii Madaxwayne Muuse Biixi saddex maalmood ka dib,maalin Sabti ah oo taariikhda ku beegan 25.11.2017,mar Madaxwayne Biixi guriga uu ka dagan yahay magaalada Hargaysa qudbad uu ku sabootinayo uga jeediyay gudiyadii gobolada dalka u qaabilsanaa ololaha doorashada Madaxtooyada Xisbiga Kulmiye waxuu ku iftiimiyay in Aadamuhu ku kala duwan yahay fikirka,aragtida iyo waxyaabo badan,isagoo Madaxwayne Biixi qudbadiisa ay ka ka mid ahayd.“Eexda hadii la macneeyo islama garanayno musuq-maasuqa islama garanayno,hufnaanta islama garanayno,dawladda waxaynu ka doonayno islama garanayno,waxa qaranku yaalanayo qof laguma raali gelin karo,waanan sugayaa hadhaw in la yidhaa fartaydii eersaday,balse anigu diyaar baan u ahay,aniga in la yidhaa fartaydii Eedayeey,inkastoo dadka arrimaha siyaasadda Somaliland sida joogtada ah ula socda ay ku macneeyeen hadalkii koowaad ee Madaxwayne Biixi ku sabootiyay gudiyadii gobolada dalka u qaabilsanaa ololaha doorashada Madaxtooyada Xisbiga Kulmiye fariin cad oo ka turjumaysay siyaasadda hoggaamineed ee Madaxwayne Biixi.

Ugu danbayn shacabka ku dhaqan magaalo ganacsiyeedka tog wajaale ayaa marar badan lagu arkay iyagoo ka gadooday dhul dan guud oo maamulka wajaale iyo xubno katirsan wasiirada xukuumada madaxwayne biixi doonayeen in la dhagax dhigo taasi oo sobobtaisku dhac ciidanka iyo shacabka ah iyadoo maanta ay magaalada wajaale gadood ka dhashay dhul dan guud ah soo loo dhagax dhigayay kawaanka gawraca xoolaha ay isku farasaareen ciidanka iyo dad shacab ah kuwaasi oo diidanaa in ladhigo goobtan kawaan oo hore ugu qorshaysnayd in laga dhigo dugsi waxbarasho oo bulshada halkaasi ku dhaqani baahi wayn uqabeen

Shacabka magaalada wajaale  ayaa iyagu siwayn uga aamin baxay talaabooyinka ay maamulka degmada wajaale qaadayaan oo iyagu gabiahaanba iibiyay dhulalkii danta guud wallow wasaarada arimaha guduhu ku fashilantay waxka qabashada maamulka magaalada.

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version