WAJAALE NEWS

Sirdoonka Jabuuti Oo Xoog Ku Galay Guriga Duuliye Fu,aad Iyo Tacadi Ay Kula Kaceen Xaaskiisa

JABUUTI(W,N)-Ciidamo ka tirsan kuwa Sirdoonka dalka Jabuuti ayaa xalay waxaa ay si xoog ah ku galeen Hoyga uu Magaalada Jabuuti ee dalkaasi Jabuuti ka degan yahay duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo u xidhan dowladda Jabuuti.

Ciidamada ayaa waxaa la sheegay inay baadhitaan ka sameeyeen dhamaan Qolalka guriga oo ay ku sugnaayeen Xaaskiisa iyo Carruur uu dhalay, hayeeshee laamaha Sirdoonka Jabuuti ayna shaacin sababaha ay baadhitaanka uga sameeyeen Hoyga duuliye Fu’aad Yuusuf Cali.

Muuqaal la soo dhigay Barta Twitter-ka ayaa muujinaya Xaaska Duuliye Fu’aad oo lagu Magacaabo Samiira Jaamac Cabdi oo shaacineysa in Ciidamada Sirdoonka Jabuuti inay burburiyeen Agabka ay isticmaalaan qoyska Fu’aad.

Samiira Jaamac Cabdi ayaa sidoo kale sheegtay in la jidh-dilay qaar kamid ah Carruurtooda, waxaana dadka Reer Jabuuti ay ugu baaqday in loo soo gurmado qoyskooda oo ay dhibaato kala kulmayaan dowladda Jabuuti.

Xeer ilaaliyaha dalka Jabuuti Jaamac Suleymaan Cali ayaa sheegay in Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali uu yahay muwaadin jamhuuriyadda Jabuuti u dhashay oo ka tirsan oo ciidamada cirka, isla markaana uu isku dayay inuu si qarsoodi ah diyaarad u duuliyo iyada oo aan war laga qabin waddanka cadawga ah ee uu dagaalka na dhex maray ee Eritrea.

Exit mobile version