JABUUTI(W,N)- Qaarkamid shacab ku dhaqan xaafadaha Magaalada jabuuti ayaa iskugu soo baxay banaan baxyo Ay kaga soo horjeedaan xadhiga duuliye fu,aad yuusuf cali oo shalay xukuumada madaxwayne ismaaciil cumar geele xabsiga kaga soo dhex duubtay muuqaal ay ku qasabtay in uu warbaahinta dawlada la hadlo oo ay ku majaro habaabinayso tacadiga ay kula kacday askariga ciidanka cirka katirsanaa ee ku xidhan xabsiga magaalada jabuuti ee gabood.
Duuliye fu,aad ayaa hore iskaga soo duubay muuqaal murugo leh isagoo ku xidhan suuli kamid ah kuwa xabsiga gabood kaasi oo kacdoono xukuumada geele lagaga soo horjeedo ka abuuray guud ahaan dalka jabuuti, balse muuqaalka ay dawladu kasoo duubtay duuliye fu,aad ayaa ahaa mid shacabiga lagu dajinayo si loo marin habaabiyo xaqiiqada dhabta ee uu ku sugan yahay.
https://youtu.be/Hj4ngV8TmQw
Sidoo kale Dadwaynaha reer jabuuti oo iskugu soo baxay magaalada jabuuti ayaa xukuumada madaxwayne geele ku eedeeyay in ay ku qasabtay maxbuuska in ay kasoo duubto muuqaalkaasi, balse uu xaqiiqada ka fogaa walina aanu helin dhakhaatiir xaaladiisa caafimaad ukuur gasha,
Dhanka kale xaaska duuliye fu,aad oo iyadu ka hadashay falkan ay dawladu kula kacday odaygeeda ee muuqaalka lagaga soo duubay ayaa sheegtay in ay shalay haayada xuquuqal iisaanka xukuumada jabuuti ka diiday in ay wax ka duubaan iyagoo sida ay sheegtay uga dan lahaa in bulshada lagu maran habaabiyo .
HALKAN KAGA BOGO WARKA AY BIXISAY XAASKA FU,AAD;
Wixii war ah ee kasoo kordha kacdoonada dalka jabuuti kala soco wararkeena danbe.
WAJAALENEWS DESK
JABUUTI OFFICE.
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM