WAJAALE NEWS

DAAWO;-Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Jsl Oo Macdan Baadhis Ka Bilowday Deegaanka Dhagax Guure Ee Gobolka Gabiley Iyo Dareenada Ka Dhashay!

ARABSIYO(W,N)-Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo tamarta Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta galinkii Danbe Gaadhay deegaanka dhagax guure ee gobolka gabiley oo wasaarada macdantu ka daah furtay sahaminta mashruuca macdan baadhis ah.

Waxaana daahfurka mashruuca macdan sahaminta ah goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka gabiley iyo gudoomiyaha Degmada arabsiyo.

Ugu horayna waxaa ujeedada Ssafarka masuuliyiinta wasaarada  macdanta iyo tamarta sharaxay agaasimaha waaxda macdan baadhista ee wasaarada iyo wasiirka oo sheegay in mashruuca macdan sahaminta laga bilaabo doono deegaanka dhagax guure oo ah goob leh Ataar Qadiim ah  kuna haboon dalxiiska.

Qorshaha wasaarada macdanta iyo tamartu ka bilowday deegaanka dhagax guure ayaa dareeno kala duwan ku abuurtay bulshada ku dhaqan deegaanka taasi oo wasiirka wasaarada madanta iyo tamarta sicad Aanu usheegin shirkada ay siisay qandaraaskan wasaaradu wallow ay masuuliyiinta wasaarada xuseen in wasaarada samaynayso barnaamijkan deegaanka dhagax guure lagaga sahaminayo macdan baadhista,

Xogaha laga helayo cida ay wasaarada macdantu siisay mashruucan lagu sahaminayo macdan baadhista deegaanka ayaa sheegaya in ay jirto shirkad gaar loo leeyahay oo wasaaradu wadato islamarkaana ay siiyay, taasi oo laga cabsi qabo in ay si gaara uga faa,iidayso ataarta qadiimiga ee deegaanka dhagax guure oo hore xukuumadu aanay ugalin wax tacab ah sidii bulshada caalamka loogu soo bandhigi lahaa ataarta qadiimiga ee deegaankan taasi oo lamid ah ta laasgeel oo aynu og nahay sida xukuumadihii kala danbeeyay ee kulmiye ugaliyeen tacabka iyo in loo helo maalgalin caalami ah loogu daryeelo,

Dhanka kale Ataarta deegaanka dhagax guure ayaanay wax badan ka ogayn bulshada reer Somaliland taasi oo khatar ay ku tahay in wakhtigan  cidkasta ay wasaarada macdantu ku wareejiso samintiisa  una ogolaato in ay si bareefad ah ugu gacan galiso.

HALKAN KAGA DAAWO MUUQAALKA WARKA WASIIRKA MACDANTA IYO TAMARTA JSL EE DEEGAANKA DHAGAX GUURE;

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE.

 

 

Exit mobile version