WAJAALE NEWS

Ciidamada Booliska Oo Caawa Xabsiga Utaxaabay Abwaan Shucayb Yare Oo Dhawaan Gabay Ku Dhaliilay Madaxwayne Biixi.

HARGAYSA(W,N)-Ciidamada Booliska somaliland ayaa la sheegay in ay caawa xabsiga utaxaabeen Abwaan Shucayb Yare Oo Dhawaan Gabay ku dhaliilay Madaxwayne Muuse Biixi.

Wararka laga helay Xadhiga abwaanka ayaa la sheegaya in aanay xukuumadu umarin sifo sharci iyagoo guriga uu ka degan magaalada hargaysa xoog kaga soo xidhay.

Majirto wax war ah oo laamaha amaanka iyo xukuumadu kasoo saareen xadhiga abwaan Shucayb Yare oo hada ku xidhan mid kamid ah saldhigyada magaalada hargaysa.

Wixii war ee kasoo kordha xadiga abwaan shucayb yare kala soco wararkeena danbe

Halkan Ka Daawo abwaan shucayb yare iyo gabaygii uu ku dhaliilay Madaxwayne Biixi;

https://youtu.be/KBER5BW3ZAA

Wajaalenews desk

Hargeisa office

Exit mobile version