WAJAALE NEWS

Siyaasi Cali Guray Oo Soo Bandhigay Magacyada Wasiiradii Xukuumada Ku Cadaadiyay Joojinta Qaadka Iyo Waxyaabaha Laga Dhexlay!

Maxaa Laga Faa,iiday Ama Lagu Khasaaray Joojintii Qaadka? Waa su’aal Jawaabteeda Marka Ugu Dambaysa Aynu ka Sugayno Madaxwayne Muuse biixi Inu Qodob Qodob Inoogu Taxo Si Cashar Aynu Uga Barano”Cali Guray.

‘Qaadkii lama joojin maalin keliya. Hadaa maxaa la joojiyay? Cashuurtii dheh horta. Markaa weli waa looga fadhiyaa xukuumaddu inay joojiso Qaadkii haddii COVID-19 caleentiisa laga helay inta aanu ina madhin. Been maaha markii hore machad cilmibaadgiseed oo Faranaiis ah baa sheegay in dadka laga baadhay COVID-19 ay ugu yaryihiin dadka jidhkooda ay ku jirto nocturne ee sigaarka ku jirto. Laba machad oo Maraykan iyo Shiine ah ayaa ku raacay todobaadkan. Dhakhaatiirta iyagu sheegay in caleenta qaadka COVID-19 siddo ilaa hadda waa Soomaali uun in kastoo aanay wax cilmibaadhis aanay samayn. Anigu ma rumaysni in sababta xukuumadda Somaliland ay jaadku u joojisay ay tahay COVID-19 waayo 90% jaadku sidii buu maalin kasta u soo galaa bal dadka laga helay Wasaaraddu ha u kala saarto inta qaadka isticmaasha inta kale. Ma laga yaabaa in ay ugu badan yihiin kuwa aan qayilin? Yaa igula sharatamaya?. Hadda ogow dad baa iyaguna rumaysan in caleenta jaadka virus iyo Bacteria aanu midna ku noolaan karin xataa dukhsiguna aanu korkeeda isku taagi karin.

Iyada dunida kale waynu ognahay inta u dhimatay COVID-19 oo kuma jiraan dad ka qaaday caleenta qaadka.

Waxan maqlay Somaliland labada wasiir ee ugu adadkaa joojinta qaadku waxay ahaayeen Wasiirka Awqaafta iyo Wasiirka Maaliyadda. Mid isaga baabuurkiisii ayaaba ka mid ah baabuurta lagu qabtay qaadka kootarabaanka ah midna 20 cisho oo kelya markii cashuurtii qaadku joogsatay hadda ayuu mushaharkii shaqaalaha bixin kari la’ yahay. Iyagu sadex wadaad baa ka dambeeyay oo ay raali gelinayeen hadaba joojintii lagu fashilay ee jaadka musuuliyadda yaa qaadaya? Labda Wasiir ma qaadayaan ilayn ma jirto wax aan khasaare ahayn oo ay soo kordhiyeene

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

Exit mobile version