WAJAALE NEWS

“Marka Aanu Adeerkay Ku Fadhiyin Kursiga U Sarreeya, Mustaqbalka Dalkani Wuu Madaw Yahay, Masiirka Ummadduna…” Abwaan Weedhsame

HARGAYSA(W,N)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” Oo kamid ah hal bauurka reer Somaliland ayaa qormooyin uu Maalmihii udanbeeyay ku baahinayay Baraha Bulshadu ku kulanto Ee facebookga Ayaa Wuxu Kaga hadlay kooxaha Qabyaaladaysan Ee bulshada Somaliland jahawareeriyay iyo maaliba fikirka ay aaminsan yihiin oo ku salaysan kursiga dalka ugu sareeya iyo hadba cida ku fadhida oo ay hayb ahaan ku taageeraan amaba kaga soo horjeedaan,iyagoo dano shakhsi raadinaya.

Halkan kaga bogo Abwaan weedhsame Iyo qormadiisii Labaad;

KOOXDA LABAAD;

Marka Aanu Adeerkay Ku Fadhiyin Kursiga u Sarreeya, Mustaqbalka Dalkani Wuu Madaw Yahay, Masiirka Ummaddana Wuu Af-duuban Yahay, indhahayguna waxay qabataan dulmiga, daranyada iyo darxumada hareerahayga la deriska ah. Waayo waa dal aanu Adeerkay ka talinayn oo wax weyn baa ka si ah!!!!

Aroor iyo habeen waa ii ol’ole aan kala go’ lahayn, riyada kaliya ee aan nolosha ka leeyahayna waa inuu mar uun Adeerkay kursiga u sarreeya salaanta ku qaato isagoo qoslaya!!!!!

Qaar baa ku odhanaya “maxaa kaa soo gelaya adeerkaa xilkiisa, hadduu meeshan qabsado iyo haddii kaleba saw sidan uun ahaan maysid?” Maxaan naga soo gelayn!!! dadka qaar aan nala kaftami jirin ayaa maantaba nala kaftamaya oo aanu isa soo gaadhnay. Hankii beeshaa hoos u dhacay, cid kastana waan u jabnaye, ma sidan baa la sii eegan karayaa.!!!!

Inta bilaa ficilka ah mooyee, ragga dhiigga laboodku ku jiraa, xoog iyo xoolaba way u hureen sidii adeero madaxweyne u noqon lahaa, Aniguna inta xataa xinjirtooda u daadinaysa xil u raadintiisa ayaan ugu horreeyaa.

Inta adeerkay xil-doonka yahay, ku jiq-siidu waa wehelkayga, wax kasta oo kursiga adeerkay ku gaadhi karana waan samaynayaa. Xataa hadday ka fursan weydo, doontan la wada saaran yahay guntaan ka daloolinayaa si ay u degto, dalkan bilaa mustaqbalka ahna gaas iyo kabriid baan sudhayaa. Waayo waa muhiim in kow laga soo wada bilaabaa. Ma meel aan Adeerkay madaxweyne ka noqonayn ayaa khayr ka soo jeedaa?

Nin kasta oo adeerkay Saluugaa waa nacab reerkayaga neceb, nin kasta oo adeerkay niyadda u dhisaana waa nasab dun xariira ka abuuran, waana ragga loo abaal gudi doono marka adeero baarka sare u baxo.

ADEERO XILKA WAA INUU HELO XATAA HADDAY UMMADU KU ROGMANAYSO ANNA AAN KU QUDH BAXAYO.

La soco…..

Waa inoo berri iyo kooxda Saddexaad.

 

Exit mobile version