WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Ganacsade Maxamed Ismaaciil Bildhaan Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi (Bidhaan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay kana mid ahaa ganacsatada waa weyn, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Exit mobile version