|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Ganacsade Maxamed Ismaaciil Bildhaan Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
May 2, 2020 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi (Bidhaan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay kana mid ahaa ganacsatada waa weyn, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Wasiir Cali Mareexaan Oo Dhulkii Ugu Badnaa Iibiyay Tan Iyo Markii Uu Madaxwayne Siilaanyo U Magacaa... Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalo Madaxda Gobolka Salel Ee Sayla... Daawo: “Reer Gabilayoow Ma Dawlad Sacad Muuse Ayaa La Ictiraafi Doona Mise Dawlad Isaaq"Faysal Cali ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|