WAJAALE NEWS

“Dad Saboola Oo Danyar Ah Iyo Madaxwaynahoodii Ayaa Dhul Isku Haysta, Sheeko Iyo Shaahid Wax Hore U Dhacayna Maaha”Cali Guray.

“Laakiin Agasimuhu Isagu Caadi Buu U Arkaa. Horaase Loo Yidhi Lexejeclo Waa Khamri”Siyaasi Cali Guray.

 HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” Oo kamid ah Siyaasiyiinta xisbi xaakimka kulmiye Islamarkaana badi ka hadla xaaladaha dalka tagaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalhaynta muranka dhuleed ee la sheegay in uu ka dhexeeyo madaxwaynaha jsl iyo qoys danyar ah isagoo sheegay in aan sheeko iyo shaahid la maqal arin noocaasi ah,

Sidoo kale Cali Guray ayaa Xusay in hadii uu jiro dhul dan guud ah oo madaxwaynaha cid kale isku haystaan in aanu muwaadin dhulkiisa ka qaadeen oo aan la yidhaahdeen Madaxtooyo ayaa la dhisayaa.

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal kooban oo uu arimahaasi kaga Hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka Bulshada Ee facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;

 Waryaa! Lexajeclo Waa Khamri Dheh

“Waa Xaajo ugub oo aan curad ahayn. Hadii uu jiray dhul uu Madaxwaynuhu qof ahaan ama qoys ahaan u lahaa malaha dhul ay dad kale leeyihiin kamuu qaadeen oo Madaxtooyo ayaa laga dhigayaa muu yidhaahdeen isaga oo Madaxwayne ah ee wuxu bixin lahaa kiisa, ilayn isaga ayaa Madaxwayne ahe oo uu odhan lahaa aniga ayaa ugu deeqay qaranka oo waa dan guud.Taas ayaa magac iyo sharaf u noqon lahayd.

 

Markaa sheekadan anigu maan fahmin. Dhul dan guud ahaa oo waddo 200 mitir ( ring road) loogu talogalay ayaa la sheegayay Inuu ku jiro dhulkan lagu muransan yahay. Mooyi Ilaahay baa iga og waxse aan jeclaa in aan la odhan dad sabool ah oo danyar ah iyo Madaxwaynahoodii ayaa dhul isku haysta. Sheeko iyo shaahid wax hore u dhacayna maaha; laakiin Agasimuhu isagu caadi buu u arkaa. Horaase loo yidhi lexajeclo waa khamri.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

Exit mobile version