WAJAALE NEWS

Roobab Laxaadle Oo Ka Da,ay Dalka Jabuuti Oo Sobobay Dhimashada 5Qof Iyo Khasaare Kale.

JABUUTI(W,N)-Roobab laxaadle oo ka da,ay dalka jabuuti ayaa sobobay khasaare nafeed Inta la ogyahay Shan Qof ayaa ku Geeriyooday Roobab waaweyn oo Shalay ka da’ay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Shanta Qof ee geeriyooday ayaa saddex ka mid ah Meydkooda la helay oo la aasay, halka laba Dumar ahna uu Daadku qaaday oo Meydadkooda la waayay, sida ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du.

Saddexda Qof ee la aasay Meydadkooda ayaa laba Dumar ahaayeen, halka midna ka ahaa Wiil.

Dhibaatadan ayaa ka dhacday Xaafadda Belbela ee Duleedka Magaalada Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Jabuuti,  Muumin Axmed Sheekh oo booqday Xaafadda Masiibadani ka dhacday ayaa Shacabka u sheegay inay garab taagan yihiin, isagoo sidoo kalena u Tacsiyadeeyay Ehellada Shanta Qof ee ku dhintay Daadadka ka dhashay Roobka ka da’ay Jabuuti.

Daadadka ka dhashay Roobka ayaa sidoo kale burburiyey dhismayaal badan oo Xaafadda Belbela ka mid ah, halka Xaafado kale oo Jabuuti ahna ay khatar geliyeen

Exit mobile version