BRISTOL(W,N)- Wasiir kuxigeenkii hore ee wasaarada ganacsiga ee xukuumadii axmed siilaanyo Ambasador kaysar ayaa ka hadlay marxaladihii ay madaxwayne muuse biixi isla soo mareen jabhadii col caare iyo sidii uu uga gows adayga In uu saamaxo col caare oo katirsanaa ciidanka qaranka Somaliland isagoo madaxwaynuhu u arkayay in ay wado ku furi doonta Somaliland.
Sidoo kale Ambasador kaysar ayaa dhawaaqa jabhadaha cusub ee kolba meel lagaga dhawaaqayo ay keentay qaabkii markii danbe ay xukuumadu kusoo afjartay jabhadii col caare
Ambasador kaysar ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;
Maanta ma u Qiri karnaa inuu Saxsanaa, mise Maya?
” Alla muxuu ka warwareegay oo uu ka warwareegay oo uu dhawaaqyo badan dhegaha ka furaystay oo uu yidhi aniga ii daaya aan Sharciga u maree, ilaa aakhirkii Wadaad iyo Warenleba culays weyn la saaray oo la dirqiyay”
Asalaamu Calaykum
Waxay ahayd bishii May ee Sanadkii 2018 markii uu Gaashaanle Sare Siciid Cawil Jaamac oo ku magac dheer “Caarre” uu ka kolanyaystay xeradii ciidankiisa oo ku taalay Magaalada Ceel-afweyn, ka dib markii uu saluug ka muujiyay habkii ay Ciidanka Qaranku u maareeynayeen mushkilad dhex martay laba qabiil oo walaalo ah oo deegaankaas wada yaallay.
Muddo yar ka dib waxa uu Sarkaalkaasi u tallaabay dhinaca Maamul Goboleedka Puntland isagoo fadhiisin ka dhigtay Tuulo Higlo la yidhaa oo 15 kiiloo-mitir u jirta magaalada Qardho, waxaana si habaqle ah laakiin aan badnayn ugu biirayay dhalinyaro iyo askar kale oo ka goostay Ciidanka Qaranka Somaliland.
Waxba inaga oo aan ku dheeraan Taariikhda Jabhadaas iyo ujeedadeeda ay u aasaasantay iyo taageerada ay heli jirtay, waxaa xusid mudan in ay isla xiligaas jireen Colaad beelaysan oo aad u xanuun badnayd oo ka taagnayd Ceel-afweyn iyo nawaaxigeeda, taasoo ay ku soo beegantay aasaaska Jabhada Caarre.
In kasta oo Jabhadaasi aanay geysan khasaare aad u weyn, marka laga reebo dhawr weerar oo aan cuslayn oo dhex maray iyaga iyo Ciidanka Qaranka, sidoo kalena uu jiray Tudhaale iyo is xakamayn aad ah oo ay labada dhinacba muujiyeen, hadana waxa dadweynaha reer Somaliland ee gudo iyo debedba joogay ay ku baaqeen in arrinta Caarre Nabadgelyo lagu dhameeyo.
Waxaa is xilqaamay Madax-dhaqameedka, Ganacsatada, iyo badi waxgaradka Somaliland iyo gaar ahaan Beesha Balaadhan ee uu Kornayl Caarre ka soo jeeday oo ku baaqay in Caarre uu soo afjaro Jabhadaynta, taas beddelkeedana uu Madaxweynuhu Cafis u fidiyo oo si nabad ah lagu dhameeyo.
Madaxweyne Muuse Biixi oo isaga laftiisu ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaasna ahaa Jabhad ka tirsanaa Saraakiishii sarsare ee ururkii SNM, way u cuntami weyday in Sarkaal Ciidan oo falaagoobay arrinkiisa musaalaxo lagu dhameeyo isaga oo ay u muuqatay cawaaqibka ay arrintaasi Mustaqbalka ku keeni karayso Qaranka iyo si gaar ah Ciidamada Dalka. Waxaana uu ku adkaystay in Kornaylkaas Milatariga ka tirsanaa ee Caarre arrinkiisa isaga loo daayo, waxaana uu ergo kala duwan ku diiday inay arrinkaas kala hadlaan.
Markii ay baaqyadii bulshadu demi waayeen, ee habeen iyo maalinba ergadu dhan walba u socotay, waxa horraantii Bishii January ee sanadkan 2020 la soo af meeray arrinkii Jabhada Caarre, waxaana Xukuumadu ay dib u qaramaysay jabhadii, sidoo kalana waxay bixisay qaddar lacag ah oo aan cadadkeeda la shaacin, dalkana waxa ka baxay Kornayl Caarre oo imika la sheego inuu Dalka Turkiga ku nool yahay.
Waxa hadaba is weydiintu ay tahay ma laga yaabaa in qaabkii ay Xukuumadu ku waajahday Jabhadii Caarre iyo dhaqaalihii la siiyayba ay dhiirri gelin u noqotay Jabhadahan kolba meel lagaga dhawaaqayo? Ma laga yaabaa in ay iyaguna u dhiil culanayaan in ay lacag helaan? Imikase si fiican ma inoogu muuqataa in Waddo-halaq aynu isku furnay oo cid kastaa ay ku dhiirran karto inay Jabhado samaysato iyaga oo filaya in hadhow Musaalaxo iyo Dhaqaale wax lagu xallin doono?
Waxaan la dafiri karin in duruufaha Dalka ka jiray ay aad u adkaayeen Xiligaas ay Jabhada Caarre abuurantay, oo ay colaado badani jireen, qof kastaana uu aad u jeclaa in la soo af jaro colaadahaas iyo arrinta Jabhadaas Caarre dariiq kasta oo suurto gal ah oo xal lagu helayo.
Si kastaba ha ahaatee waxaa imika inoo muuqday oo aynu arki karnaa in Madaxweyne Muuse Biixi uu ku saxsanaa inaanuu wax Jixin-jix ah u muujin cid isku dayday inay Jabhad ka dhex samayso Dalka oo waliba uu abuuray sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Qaranka. Aad iyo aad ayuu Madaxweyne Muuse Biixi uga gaws-adaygay inuu Caarre u debco si aanay dariiq furan u noqon, balse culays aad iyo aad u weyn oo la saaray darteed ayuu u ogolaaday dhamaynta hawshii Caarre iyo Jabhadiisii, tanaasulkaas oo xiligaas u muuqday mid Xal ah, ayaa dhanka kale la odhan karaa waxa uu dhiirri gelin u noqday in kolba kooxda cadhootaa ay Jabhad sheegato oo ay kamarado iska soo duubaan iyagoo is tusay inay dheef iyo dhaqaale ku helayaan.
Waxa kale oo Xusid Mudan in bishii May ee Sanadkii 2019 ay Xukuumadu Xaallad Bandoo ah oo Saddex Bilood ah ku soo rogtay meelo ka mid ah Gobolka Sanaag oo ay Colaad riiq dheeraatay ka jirtay,waxaa markiiba isla oogsaday qaylada ka soo yeedhaysay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa iyaguna gaashaanka u daruuray Baarlamaanka Somaliland oo diiday Bandoogaas.. Balse waxa hadana maalmo yar ka dib la arkayay baaqyo Xukuumada ka dalbanayay inay Bandoo soo rogto ka dib markii Colaadii ay sii korodhay.
Waxaan qoraalkan ku soo af meeri lahaa in ay Ummada reer Somaliland Talada Dalka uga dambeeyaan oo ay ku tix geliyaan kolba qofkii ay doortaan, oo ay joojiyaan garab orodka iyo beelaysiga, la xisaabtanka Xukuumadana loo daayo Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Baarlamaanka..
Hadii Qofka aynu dooranaa uu mudada xilka hayo uu si fiican Dalka ugu shaqeeyo mar kalana aynu doorano, haddii uu si fiican u shaqayn waayo waxaynu xaq u leenahay inaynaan mar kale dooran ee aynu Albaabka tusno.
Allow Eex ma tiraabine, aqoon haygu cadaabin.
Waad Mahadsan tihiin
Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK