HARGAYSA(W,N)-Abwaan Sacad Xaaji Maxamuud Gadhle oo ka mid ah hal abuurka reer Somaliland ayaa tiriyay maanso cusub oo uu kaga hadlay xanuunka dunida ka yaabiyay ee Coronavirus
Ugu Horayn Waxuu gabayga Abwaanku ku xusayaa Awoodda Alle Swt,marka xiga waxuu Abwaanku ummadda muslimiinta Alle uga baryayaa in Alle ka badbaadiyo Cadaabka Alle. Marka saddexaad waxuu Abwaanku kaga waramayaa Xanuunka dunida ka yaabiyay ee sida gaarka ah u haleelay wadamadii aduunka u sheegan jiray awoodda iyo cududda milatari,aqoonta iyo xadaaradda isagoo xanuunkani bannaanka soo dhigay in guud ahaan aanu Awood lahayd. Ugu dambayn waxuu Abwaanku Alle uga baryayaa in uu Ummadda Muslimiinta in uu Alle ka badbaadiyo Xanuunka iyo dhibtiisa .
Xuska gabayga yuusufow xaqaa lagu bilaabaaye
Xikmadaadu Eebow aday xeelad dheer tahaye
Xaqsoorkaagu Eebow aduu xubina dhaafayne
Xagii loo dhaqaaqaba Allow xaadirbaad tahaye
Xallimow Allahayow adigu xaakimbaad tahaye
Xayun baaqi adigaa ahoo xogi ka dhaafayne
Maalintay xisaabtiyo timaad xaalad laga giigo
Allow xagii nabiga na mari xaakimbaad tahaye
Allow naar naga xoree xaakimbaad tahaye
Afartaa xareedii murtda xulashadaedii dheh
Xiisadii abwaankiyo murtida xarakadeedii dheh
Xarafkii suldaaniyo macnaha xaragadeedii dheh
Xaddaaradii la sheegtiyo la waa xaraf aqooneede
Xulka dunida ragii sheegan jiray way xarbiyayaane
Ummaddaa xujowdoo baasow waa la xalayaaye
Mar hadii xagaafkii ku dhacay xaaqme gabigoode
Xurmo beele bulshadii dunida xeeladayn jiraye
Xigto miiska ummaddii taqaan waa la xugayaaye
Gabadhihii xijaabnaa Eebow way xaqirayeene
Xulka dunida ragii sheegtay xaabo dhoosh noqoye
Xuuraanka nimankii yaqiin xaraf ma sheegaane
Allahayow xakiimow baryaan kuu xawilayeeye
Dunidii xanuunbaa ku dhacay xaaqay gabigeede
Muslinkiyo xigaalkaba allow dhaafi xumadiisa
Muslinkiyo xigaalkaba Allow dhaafi xanaftiisa
Afartaa xareedii ducada xulashadaedii dheh
Xiisadii abwaankiyo murtida xarakadeedii dheh
Xarafkii suldaaniyo macnaha xaragadeedii dheh
Xulka dunida nimankii noqdee laga xishoonaayay
Xidhiidhkii gumaystaha ragii loogu xilanaayay
Xaqiraada kuwii nagu hayee nana xajiimeeyay
Xoriyadda ragii bixin jiree lagala xaalaayay
Xariiqyada nimankii dhigee kala xadaynaayay
Xayiraadda ragii saarayee xaalad galinaayay
Boqorada xajiinta leh ragii nagu xanaaneeyay
Xumahay sameeyaan raguu uunku xanaaqay
Afartaa xareedii murtida xulashadaedii dheh
Xiisadii abwaankiyo murtida xarakadeedii dheh
Xarafkii suldaaniyo macnaha xaragadeedii dheh