WAJAALE NEWS

Maxaa Laga Filayaa Siyaasadda Ay Wadaagaan Saddexda Guddoomiye Xisbi, In Mustaqbalka Dhow Somaliland U Horseedaan Guul Iyo Guul Darro?

Xisbiyada docdoodii

Rag duleeyaybaa jira

Bahal daba qaloociyo

Dulin lagu abuuroo

Dildilaacshabaa jira 

Erayadii iyo Gorfayntii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Tan Iyo markii Jamhuuriyadda Somaliland laga hirgaliyay Dimuquraaddiyadda,guud ahaanna bulshada Somaliland ku diirsadeen Dardar galintii doorashooyinka ee Madaxwayne Rayaale guulaha ka soo Hooyay ee yagleelkii geeddiga dimuquraaddiyadda Somaliland.Kadib markuu saddex sanno gudahood Madaxwayne Rayaale ku qabtay Saddex doorasho oo nabad ku dhammmaday Allena loogu mahad Naqay. Balse nasiib darro maanta oo laga joogo Siddeed iyo toban Sanno ah waxay muwaadiniinta u ololeeya dardar galinta iyo kobcinta Dimuquraaddiyadda Somaliland warwar xoogan ka qabaan siyaasadda Hogaamineed ee saddexda guddoomiye xisbi ku hoggaamiyaan Saddexda xisbi qaran iyo khilaafka loo maaro waayay ee u dhexeeya saddexda guddomiye xisbi,khilaafkan oo bar modow ku ah saddexda guddoomiye xisbi.

Iyadoo siyaasadda hoggaamineed ee saddexda guddoomiye xisbi ay sabob u tahay in gudaha xisbiyada ka jiri waydo ku dhaqanka xeerrarka dalka iyo xeer hoosaadka xisbiyada ay hoggaamiyaan,halka meesha ay ka saareen dimuquraadiyaddii gudaha xisbiyada ka dhici lahayd.

Sidoo kale,siyaasadda saddexda guddomiye xisbi waxay sabobtay in lagu guul daraysto in dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomaan doorashooyinka golaha wakillada iyo deegaanku,halka golaha guurtida oo saddex iyo labaatan jirsaday xeer kasta oo heshiis lagu yahay ha lagu soo doortee ama ha lagu soo xulee laba soo hadal qaadin  .

Dhanka kale,siyaasaddaha saddexda guddoomiye xisbi ay wadaagaan waxaa ka mid ah in ay ku guul daraystaan sidii golaha guurtidu ula jaan qaadi lahaa ama la isku waafajin lahaa golaha guurtida oo saddex iyo labaatan jirsaday ee ku abtirsada doorashadii shir beeleedka ee shirwaynihii saddexaad ee beelaha Somaliland lagu soo xulay.

Halka saddexdii madaxwayne ee xilka la kala wareegay gabi ahaanba ku guuldaraysteen sidii golaha guurtidu ula jaan qaadi lahaa dimuquraaddiyadda Somaliland ka hirgashay .

Iyadoo guud ahaan caqabadaha ku gadaaman hanaanka dimuquraaddiyadda Somaliland uu tilmaamaya in mustaqbalka dhow Jamhuuriyadda Somaliland qarka u saaran tahay in uu burburo nidaam siyaasadeedka dimuquraaddiyaddu.Ugu dambaynse aynu dul joogsanno dastuurka Somaliland oo si cad u cadeeyay nidaamka siyaasadeed ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland in ay saldhig u tahay nabad,talo wadaag,dimuquraaddiyad iyo hannaanka xisbiyada badan,sida ku cad Dastuurka qodobka 9 aad Faqradiisa koowaad .

Qodobka 9 aad ee Dastuurka Somaliland, Faqradiisa koowaad .

1;Nidaamka Siyaasadeed ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Waxaa saldhig u ah nabad,talo wadaag, dimuquraaddiyad,iyo Hannaanka xisbiyada badan .

Waxaa hubaala taariikhduna lagu xusi doonaa siyaasadda Maanta saddexda guddomiye Xisbi ee xisbiyadii qaranka ku Hoggaamiyay sidii hanti ay gaara u leeyihiin,balse aynu dul Joogsano muddada ay saddexda guddomiye ay middida daabkeeda hayaan .

1;Tan iyo maalin ku beegan 4.8.2010 oo Madaxwayne Siilaanyo ku Wareejiyay guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye madaxwaynaha Talada haya ee Muuse Biixi Cabdi.Waxay taariikhdu ka marag Kacaysaa in gudaha Xisbiga Kulmiye dimuquraaddiyaddi ka Dhicin isla markaana hoggaanka Xisbiga Kulmiye aan wali lagu Dooran shirwaynihii xisbiga,halka ku xigeenada guddomiyuhu Soo magacaabo .

2;Tan iyo markii uu aasaasay ururkii Wadani Siyaasiga Cabdiraxmaan Maxamad Cabdilaahi Ciro maalin ku beegan 25.10.2011, waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in gudaha Xisbiga Wadani dimuquraaddiyaddi ka dhicin. Halka Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamad Cabdilaahi Ciro soo magacaabo ku xigeenada guddoomiyaha Xisbiga Wadani .

3;Tan iyo markii uu aasaasay Siyaasiga Eng Faysal Cali Waraabe ururkii Ucid waxuu awood u helay in uu Xisbiga Ucid hoggaamiyo Masuulkuu doono eryo Masuulkuu doonana heshiis la galo.ilaa uu garsoorka dalku uu u xukumay in uu ka faro maroojiyo murashaxnimadii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen in meesha laga saaro .

Inkastoo siyaasadda hoggaamineed ee saddexda guddoomiye xisbi iyo muuqaalada saaxadda siyaasadda Somaliland ka muuqdaa ay tilmaamayso in ay waqti qaadanayso,sidii loo sixi lahaa geeddiga qalooca ee ay cagta saartay dimuquraaddiyaddii curdinka ahayd ee laga unkay dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo wali aqoonsi ka helin beesha caalamka.Hadana waa in muwaadiniinta u ololeeya dardar galinta dimuquraaddiyadda Somaliland ay maanka iyo maskaxdaba ku hayaan loona kacaa. Sidii xisbiyada siyaasadda Somaliland ay u noqon lahaayeen kuwo dhexdooda dimuquraaddiyaddi ka jirto oo dheeli tiran hadii kale Alle tooda kama yeelee waxaa mustaqbalka dhow laga yaabaa in ay burburto dimuquraaddiyadda Somaliland,anigoo qormadan ku soo gunaanadaya talooyinkan.

1;In guud ahaan bulshada Somaliland xil iska saarto una midowdo ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka iyo xeerrarka dalkooda hooyo,isla markaana bulshada Somaliland ay garato in barashada Dastuurka iyo xeerarka dalka jamhuuriyadda Somaliland ay tahay waajib saaran si ay u kala garan karaan doodaha siyaasiyiinta muxaafid iyo mucaarad ka sharciga ku joogta .

2;In laga dheeraado siyaasadda gurracan ee dhaawac tiri karta midnimada bulshada Somaliland ee hore loogu dhaawacay siyaasad xumada saddexda guddoomiye xisbi qaran .

3;In la abaabulo kulano lagu gorfaynayo sidii golaha guurtidu ula jaan qaadi lahaa dimuquraaddiyadda Somaliland ka hirgashay .

4;In la abaabulo kulano lagu gorfaynayo gudaha saddexda xisbi u noqon lahaayeen kuwo dimuquraaddiya,isla markaana xisbiyada siyaasadda Somaliland loogu soo dabaali lahaa ku dhaqanka xeerrarka dalka iyo xeer hoosaadka,doorashooyinkuna waqtigoodii u dhici lahaayeen  .

5;In bulshada Somaliland ka digtoonaato in lagu marin habaabiyo siyaasadda cunfiga qabyaaladda ku dhisan ee la arkayo cawaaqib xumada ay leedahay,haday tahay mid jeegaamaysan iyo haday tahay mid gobolaysan .

6;In muwaadiniinta hanka siyaasadeed lihi ay noqdaan kuwo aragti dheer oo wadaniyiinta oo sixi kara qaladaadka jira isla markaana kor u hadla oo hormood ka noqda isbadalada loo baahan yahay.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan Ducadii Awowgay Sh Muxumad Warsame Alle Haka Raali Noqdee . Allaw Noo Hiili . Allow na Hanooni . Allow na hagaaji . Aamiin Aamiin Aamiin .

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Gabiley Somaliland .

 

Exit mobile version